Home Afsomali Warbixin Murugo leh dhibka iyo dhibaatooyinka daryeel iyo dhaqaale ee heysta...

Warbixin Murugo leh dhibka iyo dhibaatooyinka daryeel iyo dhaqaale ee heysta ciidamada

Waxaa jira dareen murugo oo ku saabsan duruufta adag ay ku nool yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo layska hilmaamay isla markaasina aysan jirin cid daryeesha.

“Waa laba nin oo ka tirsan Milatariga ka mid ah, mid waxa uu ku labisan yahay labiska ciidamada Milatariga midna waxa uu wataa dhar shacab, waxay ku dhex sugan yihiin qol saqafka kore ka baaba’san oo aan nadaafadiisa hagaagsaneen kuna yaal bartamaha Muqdisho, labadooda waxay dhibaato xoogan kasoo gaartay dagaalo ay al-shabaab la galeen, waxeey dhowr mar isku dayeen in codkooda uu gaaro madaxda sare ee dowladda balse ma suurta gelin”.

asakri-jaban

Ahmed Mohamed Ibrahim iyo Hassan Mohamed Yusuf, waxay ka mid yihiin ciidamada Milatariga Soomaaliyeed, waxay ka qeyb galeen dagaal xoogan oo ay ciidamada Dowladda la galeen kooxda al-shabaab ee xiriirka la leh al-qacida, waxaa labadooda soo gaaray dhaawacyo culus.

Ahmed Mohamed Ibrahim, waa 25 waxaa soo gaaray dhaawac culus waxaa bur burtay mid kamid ah gacmihiisa rajana kama lahan inuu sii wato howshiisa ciidanimo, waxa uu kamid ahaa ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya qasriga Madaxtooyada (Villa-Somalia), waxaana uu ku dhaawacmay weerar ay al-shabaab kusoo qaaday qasriga madaxtooyada.

Waxaan ku dhaawacmay weerar ay al-shabaab kusoo qaadeen madaxtooyada sanadkii 2010, waxaa 3 xabadood iiga dhacday mid kamid a gacmaheyga si xun ayayna u bur burtay” sidaas ayuu Ahmed Mohamed Ibrahim cod aad u dabacsan TV-ga al-jazeera ugu sheegay xaaladiisa mururgsan.

“Waqtigaas ayaa iigu dambeysay gacanteyda oo aan si sax ah u isticmaalo” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

Ahmed Mohamed Ibrahim, waxa uu sheegay in isbitaalada iyo dhaqaatiirta ku sugan gudaha Muqdisho ay u sheegeen in xaaladiisa aysan waxba ka qaban karin, islamarkaasina uu u baahanyahay daaweyn dibada ah si loo badbaadiyo gacantiisa.

Qoyska aan kasoo jeedo waa kuwo tabar yar oo aan waxbo haysan, sidaas darteed majirto fursad aan dibada caafimaad ugu aadi karo, aniga ayaa biili jiray oo u shaqayn jiray qoyska”.

“Isbitaalada gudaha kaliya waxay ii sameeyeen ineey iga tolaan meesha xabada iga jeexday iyo ineey Bandage ku xiraan gacanta” ayuu yiri Ahmed Mohamed.

Ahmed Mohamed, markii uu dhaawacaan soo gaarayay waxa uu ahaa 20 jir, sanadkiisi 2-aad ayuuna markaas ciidamada kamid ahaa, Ahmed waxa uu sheegay inuusan garaneyn inuu sidaan ku dhamaysan doono noloshiisa iyo in kale.

Ahmed markii uu dhaawacmay oo ahayd 5 sano kahor ilaa iyo maanta majirin wax mushaar ah ama gar gaar ah oo uu ka helay Doowlada Soomaaliya, gaar ahaan madaxtooyada dalka laga maamulo oo ahayd halkii uu asigoo difaacaayo dhaawaca kasoo gaaray.

askari-wax-loo

Waxaan lumiyay wax walbo: Yuusuf, waxa uu fadhiyaa geeska Ahmed Mohamed Ibraahim, sidoo kale asigana waxa uu kamid yahay ciidamada Milatariga, waxa uu dhaawac xun kasoo gaaray Lugaha, waana aabo 37 jir ah.

“Ma awoodo inaan hurdo habeenkii, maalinkii aan dhaawacmay ilaa iyo hada waxaa ii soo urayo dhiigeyga, mudo sanad ah lugaheyga kuma socon karin, sidoo kale waxaa dhaawac iga soo gaaray madaxa, laakiin xanuunka jirka aan ka dareemayo waxaa iiga daran inaan waayay wax walbo, xaaskeyga waxay iiga tagtay caruurta anigana ma awoodo inaan u shaqeeyo oo waan dhaawacanahay” ayuu yiri Yuusuf.

Yuusuf, waxa uu labadisa lugood ku waayay weeraro Miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo 2007 ku qaraxday Gaari tikniko ah oo uu saarnaa, waxaa gaarigaas saarnaa ilaa 20 askari, kuwaasoo kala bar dhintay intii kalena dhaawacmay.

“Waqtigeyga ayaa wax ka dhinaayeen, inaan sii noolaado ayaa ii qorneyd, balse waxaan is weydiiyaa ma waxaa ii qorneed inaan silacaan ku noolaado, waxaa ii dhaantay inaan maalinkaas dhinto” ayuu cod daciif ah ku yiri Yuusuf.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.