Home Afsomali Wararkii ugu danbeeyey Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Ku Dagaal ku...

Wararkii ugu danbeeyey Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Ku Dagaal ku dhaxmaray Isgoyska Tarabuunka illaa Warshada Caanaha ee Muqdisho

Ciidanka wada dagaalamay ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa ay tababarto dowladda Imaaraadka Carabta ee degan Isbitaalka Xoogga dalka iyo ciidan kale oo Militari ah.

Iska hor imaadka ayaa wuxuu ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka illaa Warshada Caanaha, waxaana wararka ay sheegayaan inuu jiro waxyeelo kala duwan oo ka dhashay iska hor imaadkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inaysan garan karin illaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay iska hor imaadkaan ciidamada ku dhexmaray Isgoyska Tarabuunka illaa Warshada caanaha.

Xaafadaha Tarabuunka si caadiyaan ah waxaa u degan ciidamo Militari ah oo hub ku dhex haysta xaafadahaasi, lamana oga illaa hadda waxa sababay iska hor imaadkaan ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Ciidanka NISA ee Koontaroolka ku leh Isgoyska Tarabuunka ayaa ku jira feejignaan iyo difaac, laakiin dhankooda qayb kama ahan dagaalka halkaasi ka dhacay.

Degmada Hodan, ayaa inta badan waxaa ka dhaca iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada ka wada tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Ilaa iyo hadda lama ogga sababta rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dambeysay, mana jirto cid xaqiijinkarta Khasaaraha ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.