Bamb gacmeed Khasaare gaystay ayaa lagu weeraray guri ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla meel ku dhaw xarunta Degmada Yaaqshiid.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay laba ruux inay ku dhaawacmeen Bamkaasi, kuwaasi oo ahaa Gabdho ku sugnaa afaafka hore ee guriga Bambada lagu tuuray.
Gabdhaha ku dhaawacmay Bam gacmeedka, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fa’isa Axmed iyo Fahma Cabdulle, kuwaasi oo la geeyay dhaawacooda isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale isla xalay waxaa Bam gacmeed lagu weeraray ciidanka NISA ee degan Xaafadda Al-Baraka ee Degmada Hodan, iyadoo dhawaqa Bambada si wayn looga maqlay xaafadaha ku dhaw goobta ciidanka ku sugnaayeen.
Qaraxyada Bambooyinka ah ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaanan jirin cid loo soo qabtay illaa hadda, waxaana arrintan ka gaabiyay sida muuqata Hay’adaha ammaanka dalka.