Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Dilka ayaa la sheegay inay geysteen koox Bistoolado ku hubeysnaa oo toogasho ku dilay haweeney lagu magacaabo Ruqiyo Abshir Gambane oo ka tirsaneyd xildhibaannada Baamaanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Falka ayaa ka dhacay Xaafada Maanabooliyo ee degmada Shibis, iyadoo xilligaasi ku sugneyd Farmashiye ay ku laheyd hoygeeda, Waxayna goobta ka baxsadeen markii ay falka dilka ah ku fuliyeen kadib.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay goor danbe halkaasi gaareen, iyadoo aanay suuragelin in la helo raggii ka danbeeyay falka dilka ah.