Home Afsomali Maxamed C/laahi Madaxweyne Farmaajo oo codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta...

Maxamed C/laahi Madaxweyne Farmaajo oo codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta Ciidanka Amisom lagu daro Ciidamada Somalida ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi  Farmaajo ayaa codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta Ciidanka Amisom ee ay wada jirka uga shaqeenayaan Midowaga afrika iyo Qaramada Midoobay lagu daro sidii Ciidanka Soomaaliya loogu heli dhaqaalo u suuragaliya inay ku filnaada masuuliyada Amniga dalkooda kadib kulan maanta uu Muqdisho kula yeeshay Masuuliyin ka kala socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa siwadajir ah ula kulamay masuuliyiin ka kala socday Qaramada midoobay iyo Midowga Afrika oo ay kala hogaaminayeen Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo loo xilsaaray ka shaqeynta arimaha dhaqaalo u raadinta Howlgalka Amisom ee somaliya.

 

Masuuliyiintan ka socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika  ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo dadaalada dib u heshiisnta uu dalka ka wado iyagoo soo dhaweeyey talaabadii uu qaaday xalinta qilaafka Baarlamanka soomaaliya, waxaana ay muujyeen sida ay beesha caalamka uga go’antahay garab istaaga Soomaaliya.

Kulanka oo ay goobjoog kaa ahaayeen danjirayaasah gaarka ee Qaramada midoobay iyo Midowaga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya M.Keting  Francisco Madeira ayuu madaxweyne Farmaajo waxa uu kaga hadlay ahmiyada Dhismaha Ciidanka u leeyihiin Dowlada uu hogaaminayo oo uu sheegay madaxweynuhu inu gacanta ku hayo dib u habeynta Ciidamada qalabka sida oo uu xusay Madaxweyne Farmaajo inuu ku rajo weynyahay  inay ku filnaan doonaan Amniga dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta Ciidanka Amisom ee ay wada jirka uga shaqeenayaan Midowaga afrika iyo Qaramada Midoobay lagu daro in si la mid ah ay ciidanka Soomaaliya loogu helo dhaqaalo u suuragaliya inay ku filnaada masuuliyada Amniga dalkooda.

Kulanka oo sidoo kale looga hadlay arimaha dib u heshiisnata,tayeenta ciidanka  iyo ladagaalanka Arga gaxisada ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa ka hadlay qorshaha ay dowlada soomaliya e ku aadan la dagaalanka aragaxisada ayada oo markasta laga fakaryo yareenta qatar soo gaari karta dadka rayidka ah.

Kulanka Madaxweyneha Soomaaliya iyo Masuuliyiintan ka kala socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya iyadoo Madaxweynaha Farmaajo uu horaanta Bishii hore u dagay Wasaarada Gashaandhiga si uu waqti badan u galiyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga taas oo muujineysa ka go’naashaha Dowlada Soomaaliya dib u dhiska Ciidamadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.