Home Afsomali VIDEO Xafladaii sagootinta iyo is cafintii ee Jawaari iyo Madaxda dowlada...

VIDEO Xafladaii sagootinta iyo is cafintii ee Jawaari iyo Madaxda dowlada oo dhameystiran HD

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf u sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Waxaa, sidoo kale, kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha, Ku Simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye K/Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Guddoomiyaha K/Xigeenka 2aad, Xildhibaannada labada Aqal iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda.

Waxaana looga gollahaa Kulankaasi Isisaamixid maadaama muddooyinkii dambe Khilaaf uu ka dhex aloosnaa Golayaasha Dowladda Soomaaliya.

Mudane Madaxweyne Farmaajo oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in loo midoobo Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxaana madaxweynuhu si kulul u cambaareeyay weerar Qarax oo shalay galinkii dambe ka dhacay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoos.

Kulankaasi xalay ka dhacay Villa Somalia ayaa waxaa lagu arkayay Xubnaha ugu cad cad Xildhibaanada ka soo horjeeda Xukuumadda Federaalka Somalia ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaar Xasan Cali Kheyre.

Waxaana la arkay xubnahaasi oo ay is gacan qaadayaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.