Home Afsomali mid ka mid ah ilaalada Axmed madoobe oo xaaskiisiiku qaarajiyey kismaayo lana...

mid ka mid ah ilaalada Axmed madoobe oo xaaskiisiiku qaarajiyey kismaayo lana qabtay

Muxubo Maxamed Guure ayaa lagu dilay Magaalada Kismaayo waxaana dilka haweeneydaan ka dambeeyay ninkeeda oo ka mid ah ilaalada Madaxweynaha Jubba-land Axmed Madoobe.

Warkaan waxaa xaqiijiyay Guure Ibraahim Uunlaaye oo ay oo ay ehel yihiin haweeneyda la dilay waxaana Muxubo iyo Seeygeeda uu soo kala dhexgalay muran sababay in dhowr xabadood uu ku dhufto halkaasna ay ku geeriyooto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xiliga uu dilayey Muxubo Maxamed Seygeeda ay laheyd Uur,isla markaana mudo hadda laga joogo saddex Bilood ay isguursadeen.

“xaqiiqdii Argagax iyo calool xumo ka weyn majirto nin xaaskiisa dilay,iyada oo ka mid aheyd Hablaha rajada weyn ka lahaa Dunida,Saddex bil ka hor Sanadkaan ayay isguursadeen,falalka noocan oo kale ah waa kuow mararka qaar ka dhaca dalka gabadheena ayaana taas nasiib u yeelatay” ayuu yiri Guure Ibraahim

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale wax ay sheegayaan in Askariga ka tirsan ilaalada Axmed Madoobe ee xaasikiisa ku dilay Magalada Kismaayo ay suurtagashay in la qabto,waxana Guure Ibraahim Uunlaaye oo ay ehel yihiin uu ka dalbaday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe,in cadaalada lahor keeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.