Home Afsomali VIDEO Dhul ciidanka amniga la siiyey iyo Guddi Gudi Magacaawday Dhibaatada Ka...

VIDEO Dhul ciidanka amniga la siiyey iyo Guddi Gudi Magacaawday Dhibaatada Ka Taagan Baladweyne

kulan ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidanka boliceka iyo wasiiro ka tiran tirsan xukuumada fadaraalka soomaliya loogana arinsanayey qaabka loo heli lahaa ciidamo suga amaanka dakada weyn ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho

Wasiirka Amniga xildhibaan  Maxamed Abuukar Islow  ducaale ayaa warbixino ka dhegeyrtay wasaradaha maaliyada iyo dakadaha iyo xubno ka tiran saraakiisha ciidanka Boliceka waxaana ugu danbeyntii la isku afgartay in ciidamada anmiga gudaha dakada laga siiyo dhul ay ka dhsitaan saldhig dabooli kara baahiya amni ee ka jira

Wasirka Amniga ayaa soo dhaweeyey dhulka lagu wareejiyey waxaana ka mid ahaa hadaladiisii

dhanka kale shir deg deg ah oo ay iskuugu yimaadeen golaha wasiirada oo uu shir gudoominayey raiisal wasaare Xasan Cali kheyre ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socday deeqbixiyayasha waxaana intii uu socday shirka asi diirada lagu saaray sidii gurmad loo gaarsiin lahaa qoysaska uu ku fatahay wabiga shabeelle

guntii iyo gabagabadii ayaa waxaa saxaafada la hadlay raiisalw asaare Xasan Cali kheyre uxuuna ugu baaqaday in gargaar deg deg ah laga gaaro gobolada ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Xafiiskiisa uu Maanta kulan kula qaatay Guddiga Musiibooyinka qaranka,Hey’adda qaxootiga qaranka, Hey’adaha maxaliga ah, Ganacsatada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan,kaas oo looga hadlayay xaalada Baladweyne.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiyada kala duwan ee Hay’adaha gargaarka ayaa waxa ay isku raaceen in sideg deg ah loogu gurmado Dadka uu saameeyey fahaada Wabiga Shabeelle ee ku nool Baladweyne.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu kulan kale isugu yeeray Safiirada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya si ay iyana uga qeyb qaataan sidii dadkaasi baladweyne ka qaxaya ee uu Wabiga saameeyey loogu gurman lahaa.

Dhinaca  kale waxaa la magacaabay guddi uu guddoomiye u yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) guddigaas oo ka shaqeyn doona sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay awoodeeda isugu geyn doonto Magalada Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.