Home Afsomali Raisal wasaare Kheyre oo Shirgudoominaya Kulanka Midowga Yurub uga furmay magaalada Brussels...

Raisal wasaare Kheyre oo Shirgudoominaya Kulanka Midowga Yurub uga furmay magaalada Brussels dalka Belgium kaasi oo looga hadlayo arinta amniga somaliya .

 

Shirkii looga hadlayay arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay Xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels dalka Belgium.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoominaya shirka, iyadoo ay wehliyaan Madax ka tirsan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale shirka qeyb ka ah Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Amniga iyo xubno ka socda Maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale shirka waxaa ka qeyb galaya oo Ra’iisul Wasaaraha la shir guddoominaya La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo CabdiSaciid Muuse Cali.

Shirka ayaa looga hadlayaa qorshaha kala guurka sidii Ciidamada Qaranka ay Amniga dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM oo muddo 11 sano dalka ku sugan.

Waxyaabaha laga soo saari doona ayaa ka mid noqonaya dhismaha Ciidamada qalabka sida, qaab dhismeedkooda, sidii loogu diyaarin lahaa in amniga dalka kala wareegaan AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.