Home Afsomali Burcad dhac ka geysaneysay Xaafad katirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Burcad dhac ka geysaneysay Xaafad katirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo si iskood ah isku abaabulay ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen Rag Burcad ah oo dhac ka geeysanayay Xaafada Sheekh Aadan Dheere ee degmada Kaaraan Gobolkan Banaadir.

Ragga oo laba ahaa ayaa watay Tooreey, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in xilliga la qabanayay ay taleefoono ka dhacayeen laba Gabdhood oo kamid ah dadka kunool Xaafada Sheekh Aadan dheere balse lagu soo baxay.

labada Burcadda ah ee dhaca geeysanayay oo aad looga yaqaano demada Kaaraan ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreeysay oo ay dhac geystaan, waxaana xillila falka burcadnimada ah ay kujireen ay Tooreey uga jeexeen jalbeed ay xirnedy mid kamid ah Gabdhaha ay doonayeen inay dhacaan.

Wararka Risaala ay heshay ayaa sheegaya in Ciidamada is abaabulay ee Xaafada Sheekh Aadan-Dheere ee qabtay ragga Burcadda ah ay ku wareejiyeen Taliska Booliska degmadaas si loogu gudbiyo hay’adaha kale ee Amniga.

Degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Muqdisho ee sida joogtada ah dadka loogu dhaco sidoo kale ay dadka ku dhibaateeyaan ciyaal weerarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.