Musharaxa madaxweyne ee dalka mareykanka Donald Trump ayaa Mar kale aflagaadeeyay Soomaalida ku Nool Mareynkanka
Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa mar kale dhaliil xoogan usoo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee kunool Dalka Maraykanka.
Donald Trump ayaa sheegay in Soomaalida ay musiibo weyn ay ku yihiin Minnesota iyo sidoo kale gobolada ee ay ka degan yihiin dalka Mareykanka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaalida kunool Minnesota ay u nugul yihiin in ay la shaqeeyaan kooxda Daacish oo uu sheegay in Qaarkoodba ay ku biireen.
Qaxootiga aadka u faraha badan ee ay Soomaalida ay ka mid yihiin waa musiibo aad u weyn oo soo gaartay dalka Mareykanka gaar ahaan Minnesota , waxa ay la shaqeeyaan kooxda Daacish , ma ahan dadka Aqoon leh ama xirfad leh marka waa ay iska yimaadeen halkaani si khaldana waa loo dejiyay guul fiican mahan taasi ayuu yiri Donald Trump.
Donald Trump ayaa wacad ku maray hadii uu noqdo madaxweynaha dalka Mareykanka in aysan iska imaan doonin dadka Soomaaliyeed dalka Mareykanka ,islamarkaana ay waqti adag ay ka qaadan doonaan.
https://youtu.be/Qc-13WJefKs
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0