Home Afsomali Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo kormeer indha indheyn iyo xog wareysi ah...

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo kormeer indha indheyn iyo xog wareysi ah ku gaaray goobihii askariga Mareynka ay alshabaab ku dileen

Taliyaha Ciidamadda xoogga dalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod  ayaa  gaaray Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose oo deegaano u dhow ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo Al-Shabab.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,iayda oo intaasi ka dib loo la geeyey Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Taliye Gorod ayaa u sii gudbay Xerooyin Ciidamadda Dowlada ay ku leeyihiin duleedka Kismaayo iyo Furumihii lagu dagaalamay.

Taliye Gorod oo Kismaayo dib ugu soo laabtay oo hadda Madaxtooyadda Maamulka Jubbaland kula Shirsan Madaxtooyadda Maamulkaas.

Ujeedka uu taliyaha u gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale lagu waddaa in uu booqdo degaanada ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaallamaayeen ciidamada xoogga iyo Al-Shabaab.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Taliska qeybta Jubbooyinka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.