Home Afsomali Ka Dhageyso Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ethiopia waxay Rabtaa Dakadaha Somaliyeed

Ka Dhageyso Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ethiopia waxay Rabtaa Dakadaha Somaliyeed

Siyaasi Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha xilligii dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa ka hadlay  qorashaha Itoobiya iyo dekadaha dalka,kaas oo uu sheegay in aysan aheyn wax Cusub,isla markaana dhowr mar ay isku-dayday.

“Hadalka aan iri ee itoobiya iyo anaga haldal ayaan noqonaynaa Waxaan soomali ku Tusinayay in nala Qabsaday islamarkiina Waan is casilay Waxaana kadagay casmara,balse Soomalidii shalay joogtay Markaan la hadlay way garowsadeen wayna difaacdeen dalkooda kuwaanse maanta iyagaa lagarabaa in dalkooda difaacdaan.

Sidoo kale isaag oo ka hadlayey qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso in ay la wareegto dekado ka mid ah Soomaaliya maadaama aysan laheyn wax dekad ah ayuu sheegay in Itoobiya ay u qorantahay in Dakadaheena la Wareegaan.

Hadalka Siyaasiga Xuseen Maxamed faarax Ceydiid ayaa ku soo aadayaa xilli dhaliil iyo shaki laga muujiyey heshiiskii 16kii Bishaan ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee ahaa in Itoobiya maalgashato 4 ka mid ah dekadaha Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Janeraal Xuseen Maxamed Ceeydiid.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.