Home Afsomali Aamina Maxamed Mursal Aamina Eelaay oo ku dhawaaqday in ay tahay...

Aamina Maxamed Mursal Aamina Eelaay oo ku dhawaaqday in ay tahay Musharax madaxweyne Doorashada Soo socoto – Amina Mohamed Mursal, Amina Eelaay, Announced the Presidential Election

Amina Mohamed Mursal, Amina Eelaay, Announced the Presidential Election

Aamina Maxamed Mursal Aamina Eelaay  oo ah Musharax u taagan Xilka madaxtinimo ee maamulka Koofurgalbeyd Somaliya ayaa gaartay magaalada London ee Bqortooyada UK, waxayna ka Warbixisay Qorshaha Safarkeeda ay ku tagtay magaalada Yurub iyo wadamo kale oo caalamka ah .

Musharax madaxweyne Aamina oo ah Haweeney ka soo jeedo deegaanada maamulka Koofur galbeyd Somaliya  isla markaana si weyn looyaqaan dalka somaliya ayaa ku dhowaaqday inay u  tartamayso xilka,Madaxtinimada dowlad Goboleydka koofur galbeyd doorashada soo socoto .

“Waxaan ahay musharax waxaan ballanqaadayaa in aan ka shaqeyn doono horumarinta dowlad goboleedka koofur galbeyd oo caan ku ah beero,xoolo iyo kalluun.”ayey  tiri  Musharax aamino eelaay ,Sidoo kale musharaxa ayaa sheegtay in ay  ka shaqeyn doono sidii dib u heshiisiin dhab ah loogu soo dabaali lahaa bulshada ku nool Koofur galbeyd Somaliya .

Boqolaal taageerayaasheeda ah ayaa ku soo dahweeyey magaalada london caasimada U.K maalmihii ugu danbeeyey  kadib markii ay ku daabacday boggoga ay ku leedahay internetka , inay tahay musharax madaxtinimada ee Maamulka Koofur galbeyd .

Amino oo la hadashay somalisan ayaa u sheegtay in ay u adkesan weyday  in deegaanka ay ka soo jeedo Noqdo  meel ay rabshado badan ka dhacaan iyadoo iska hor imaadyo u dhexeeya dagaalyahano Alshabaab ah iyo , qabaa’ilo iyo ciidamada iyo weliba dad shacab ah siyaabo kale duwan dilala loogu geystay .

waxayna balan qaaday hadii la doorto in ay dhamaan rabshadaha waxweyn ka qaban doonto ayna degaanka nabad iyo Barwaaqo ku soo dabaali doonto alle idinkii ayey sii raacisay Aamino  eelaay oo sii hadleysay ayaa tiri waxaan la tarami doonaa qof kasta oo sideyda oo kale isa soo Sharaxo .

“Waxaan hubaa in aan cod badan ka heli doono Dowlada aan soo dhiso ay Noqon doonto in raali galisa dadka deegaanka oo dhan , ujadadeydu waa sidii aan libin ugu qaadi lahaa hweenka Soomaaliyeed oo runtii ah kuwa ugu badan ee ay saameysay dowlad la,aanta ka dhacday dadak Gaar ahaan Koofur Galbeyd mudadii bur burka ilaa iyo hada” ayey Mursharax Ammino eelay.

Aamino  Maxamed Mursal Amina eelaay oo mar soo noqotay Wasiirka Haweenka Xukuumadda Soomaaliya xiligii dolwadii KMG, aheyd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf kana mid aheyd Baarlamaankii 9,aad ayaa sheegtay in ay tahay Murax u taagan Qabashada Xilka madaxtinimo ee dowlad Goboleydka Koofur galbeyd Somaliya .

 https://youtu.be/rk74Sl0aAVQ

.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.