Somaliland ayaa cafis u fidisay Ridwaan Xirsi Maxamed oo Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka arrimaha Diinta & Awqaafta ka ahaa xukuumadii Ra’iisul Wasaare C/wali Axmed Maxamed.
Somaliland ayaa masuulkan waxa ay horey ugu eedeysay in mudo ah inuu ka soo horjeeday Qaranimada Somaliland, balse hada uu ka soo laabtay fikirkaas, sidaasi darteedna ay cafis u fidisay, tagi karana deegaanada Somaliland.
Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahi Axmed ayaa waxaa lagu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi oo tix raacaya cafisyadii uu horey ugu sameyn jiray siyaasiyiinta Somaliland Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo inuu isaguna maanta cafis u fidiyay Ridwaan Xirsi Maxamed.
Warqadan ka soo baxday Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxaa la ogeysiiyay Maareeyaha Hay’adda Duulista, Taliyaha Sirdoonka Somaliland iyo masuuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa cafiska Madaxweynaha Somaliland kadib maanta waxa uu ka degay magaalada Hargeysa.
Somaliland ayaa inta badan xad gudub dhanka xoriyadda ah u geysata dadka Soomaaliyeed ee ka taga magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku eedeyso inay ku xad gudbaan Qaranimada Somaliland, kuna noolaan karin deegaanada Somaliland.
Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahi Axmed: