Home Afsomali VIDEO Raisal wasaare Kheyre “Dhaawacyada Culus waxaan u qaadeynaa dalka Dibadiisa”

VIDEO Raisal wasaare Kheyre “Dhaawacyada Culus waxaan u qaadeynaa dalka Dibadiisa”

Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa booqday Dadkii ku dhaawacmay Qarixii ka dhacay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo xarunta ooto ooto

Ee magaalada Muqdisho .

 

Ra’iisul wasaaraha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Tacsi u diray dadkii ku Naf-waayay Qaraxaas oo ay ku waxyeeloobeen shacab Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada aan dalka waxba lagaga qaban karin ay dawladdu u qaadayso dalka dibaddiisa, Halka kuwa dalka lagu dabiibi karana ay dawladdu kafaalo qaaday daaweyntooda.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ciidanka Qaranka shaqada ay hayaan isagoo sheegay inay sii labalaabi doonaan dedaalkooda si ay usoo afjaraan weerarrada gaadmada ah ee lagu qaadayo goobaha ay Masuuloiyiinta dowlada iyo dadka shacabku ku sugan yihiin.

 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.