Madaxweynaha jamhuuriyada somaliya oo ka qeyb ka ah masuuliyinta ka qeyb galaysa caleemasaarka madaxweynaha dalka turkiga ayaa sheegay in ay dowlada somaliya ku riyaaqday dib u doorashada mar kale hogaanka loogu dhiibay rajeb dhayib ordogan madaxweynaha dadkiisu u riyaaqay hanaanka maamulkiisa
Dowladaha somaliya iyo turkiga aya ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo ku saleysan dhaqan iyo dhaqaalaha dib u doorashada rajeb dhayib ordogan ayaa dhabaha u xaari doonta inuu sii laba jibarno iskaashiga labada dal ka dhexeeya
madaxweyne Ordagaan ayaa lagu dhaariyey Xarunta barlamaanka dalkaasi waxaana dhacday xaflada caleemo saarkiisa oo ay ka qeybgaleen in ka badan toban kun oo ah ergo kala kala socotay caalamka intiisa badan
Cabdinuur Maxamed Axmed agaasimaha warfaafinta & xiriirka warbaahinta ayaa ka hadlay ujeedka socdaalka wafdiga madaxweynaha
isagoo tibaaxay in dhambaal tahniyad farxaded ay ka wadaan shacabka iyo dowladaba ay gaarsiyeen shacabka iyo madaxda dalka turkiga mar uu ka hadlayay ka qeybgalka munasabada caleema saarka waxa uu sheegay in dowlada somaliya ay dooneyso in sii wanaajiso xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya ladaba dalka