Home Afsomali Maareeyihii Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada (Yuusuf Jaalle) oo qarka u...

Maareeyihii Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada (Yuusuf Jaalle) oo qarka u saaran in la eryo arinta xajka darteed

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista hawada C/llaahi Salaad Maxamed ayaa shaqadii ka joojiyey Maareeyihii Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle), kadib qoraal shalay 9-ka July 2018, kaasoo baxay xafiiska wasiirka.

Yuusuf Jaalle ayaa ka mid ahaa saaxiibada ugu dhow madaxweyne Farmaajo iyo xubnihii ololaha doorashadiisa, waxaana shaqo ka joojintiisa uu wasiirku sabab uga dhigay kadib markii loo baahday in la dardargeliyo howlaha wasaaradda iyo isla xisaabtan, iyadoo xilkiisa si KMG ah loogu dhiibey ku xigeenkiisa Axmed Macalin Xasan.

Shaqo ka joojinta Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Jaalle ayaa imaaneysa iyadoo ay taagan tahay xaalad ka dhalatay arrimaha xajka sanadkan oo keentay in xilkii laga qaado wasiirkii Arrimaha diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya.

Muranka ka dhashay go’aan dowladda Soomaaliya ka soo baxay oo ku saabsan in shirkado cusub lagu daro labadii shirkadood ee xajka u qaadi jiray xujeyda Soomaalida ayaa sii xoogeystay, waxaana uu hadda yeeshay qaab qabiil, iyadoo ay arrintan si xoog leh u wadaan xubno ka tirsan xafiisyada madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.