Home Afsomali Talooyin Muhiim ah ee Amaanka Naftaada

Talooyin Muhiim ah ee Amaanka Naftaada

Talooyin Muhiim ah ee Amaanka Naftaada
TALOOYIN MUHIIM AH EE AMAANKA NAFTAADA | “مَن قَتَل نفسًا بغَير نف س أو فسا د في الأرض فكأنَّما قتَلَ الناسَ جميعًا ومَن أحياها فكأنَّما أَحْيَا الناس جميعا”
FEEJIGNOOW FALKA KA HOR
IS-ILAALINTADAA MAGAALADA MUQDISHO
“وقال يا ب ن ي لا ت د خ لوا من با ب واحد وا د خ لوا من أبواب متف ر قة وما أ غني عنكم من الله من شيء إن الحكم إلا
لله عليه توكلت وعليه فليتوكل المتوكلون”
1. Mabaadi’ Guud:
 FEEJIGNOOW: Waxaad ogaataa qadarka Eebbe lama dhaafi karo, balse sida aayadda kor ku xusan sheegeyso oo lagasoo wariyay Nebi Yacquub (NNKH) in asbaabta la qaato oo la feejignaado waa wax Ilaahey ogolyahay.
 ISKU-TASHO KADDIBNA TASHO: Amniga naftaada adaa ka masuul ah mana jirto cid kuu damaanad qaadi karta badqabkaaga ee dadaal , kadibna kaasho ciddii wax ku tari karta. Ogow waxaa tahay qof muhiim u ah bulshada, marka waxaa lagama maarmaan ah in aad adiga isku tashato oo is ilaaliso.
 DHAMMAAN REEDAHA NOLOSHAADA: is-ilaalinta meeshan ku qeexan waxaa weeye: in aad iska ilaaliso in nafsadaada dhib la gaarsiiyo, hantidaada la khasaariyo ama /iyo in ahalkaada dhib loo geysto. Dhibaateyntan waxay ka dhici kartaa: Hoygaada, Gaarigaada, Jidka aad marto, Goobtaada shaqo iyo Goobtaada nasashada.
 MUSIIBO GUUD: waxyaabaha aanan layska ilaalin karin si gaar ah waxaa ka mid ah rasaasta habowga ah, qaraxyada iyo weerarada lagu galo xarumaha, sidaas oo ay tahay inaad u yeelato qorshihii loola tacaamuli lahaa.
 XAKAMEE XOGTAADA: Meesha aad ka shaqeyso, qorshayaashaada nololeed, deegaankaada iyo wixii la xiriira xogtaadu ha kuu dhowrnaadeen intii maangal ah, ugu yaraan ha koobnaadaan, faahfaahintooda adiga keliya hay.
Talooyin Muhiim ah ee Amaanka Naftaada
TALOOYIN MUHIIM AH EE AMAANKA NAFTAADA | “مَن قَتَل نفسًا بغَير نف س أو فسا د في الأرض فكأنَّما قتَلَ الناسَ جميعًا ومَن أحياها فكأنَّما أَحْيَا الناس جميعا”
2. Deegaanka:
 Meesha aad dagantahay waa meesha kaliya lagala socon karo dhammaan dhaqdhaqaaqaada iyo dabcan ugaarsigaada, waxaa habboon in aad la socoto waxyaabaha soo socda: (Dadka badan ee gala ama ka baxa guriga waa in ay noqdaan dad xadidan, waa in uu xiranyahay marwaliba, inaad la socoto banaanka dadka fadhiista ama guryaha kugu soo jeeda, banaanka gawaarida taalo iyo dadka ku dhex jira).
 Markaad baxayso yeysan jirin dad laga shakin kara oo banaanka taagan ama luuqyada kaa agdhaw jooga ama gaadiid wata/taagan, hadaad ku baraarugto kusoo laabo gurigaada.
 Inta badan xogta iyo iskuxirka ugaarsigaada waxaa bixiyo dad “kuurgalayaal” ah oo xaafadaada jooga, hadaad aragto qof/dad kugu mashquulsan adigana dareensii inaad baraarugsantahay.
 Waxaa habboon inaad hub (sharciyeysan) dhigato guriga, hubkaana ka qariso caruurtaada iyo haweenkaada iyo dadka kula nool, oo aad ku ilaaliso meel aamin ah sida boorsada samsunetka nambarka lagu xiro.
 Guriga aad degantahay marnaba ha ogolaanin in albaabka u furnaado sabab la,aan xitaa hadaad maqantahay, waayo qof wax soo haleeyay oo la baacsanayo ayaa gali kara isagoo gabaad raba, caruurtaada iyo reerkaadana khatar weyn galin kara.
3. Jidka aad marto:
 Markaad socoto ama waddo mareyso waxaa loo baahanyahay inaad la soconkarto jihooyinka 15mitir dhinac walba kaa xiga, dhaqdhaqaaqa ka jira, waliba gadaal.
 Ha dhex lugeynin (Marwaliba) meel saantu ku badantahay (ciriiri ah) sida meel suuq ama suuq xigeen ah, maxaa yeelay ma koontarooli kartid dhaqdhaqaaq waliba oo dhinacyadaada ah, waa suurta gal inaad isticmaasho meel dadku ku badanyahay 3dii bilood ugu badnaan hal jeer ama sanadkii hal jeer ugu yaraan.
Talooyin Muhiim ah ee Amaanka Naftaada
TALOOYIN MUHIIM AH EE AMAANKA NAFTAADA | “مَن قَتَل نفسًا بغَير نف س أو فسا د في الأرض فكأنَّما قتَلَ الناسَ جميعًا ومَن أحياها فكأنَّما أَحْيَا الناس جميعا”
 Xaafadaada hadey ku taalo meel saanta ku badantahay isticmaal gaadiid ama bajaaj markaad baxayso ama markaad soo galeyso. (F.G: waxaa fiican in aadan degin meelahaas oo kale).
 Masaajid kuu dhaw gurigaada ama meesha shaqadaada haku dukanin marwaliba, hadii uusan aheyn meel xiran ama aanan laga fili karin dhib marka duruufta la qaddariyo.
 Qaado wax aqoonsi ah, ama cinwaan (address) kuugu qoranyahay markaad baxayso.
 Ha noqonin dadka jidka la istaaga qofwaliba, salaantaada afka ku dhameyso, dadkana ku qanci sidaas, qofka aad sheeko ka rabto meel ku balanso ama meel aamin ah la aad.
4. Goobaha Maaweelada:
 Meel maqaaxi shaaheed oo furan hadaad isticmaashid hadeysan ka agdhaweyn meelo ciidanka ku badanyahay ama laamiga Makka almumarama iyo kuwa lamidka ah waxaa laga yaabaa in laguugu beegsado, ha badsanin inaad fadhiisato.
 Shaaha markaad cabeyso waxaa habboon inaad meel gidaar (darbi) dhabarka aadiso aan leexad laheyn, si aad ula socotid wax waliba oo dhaqaaq ah, hadii aad aragto qof kusoo aaday oo gacanta kuwata bastoolad ha gabanin (sida ka muuqda Vidiogii la baahiyay dhawaan) waxaad ku booddaa gacantiisa adigoo kor u boodaya, hadii ay xabad kasoo dhacdo waxay u badantahay in ay ku hareer marto ama caloosha ama boowdiyaha kaa haleesho oo isaga argagax galiso.
 Ogsoonow dadka wax dila hal qof ma ahan, badanaa 2 ama 3 ayay ku socdaan, qof baa fuliyo dilka, qofka kale oo isagana bastoolad ku hubeysan waa kaaliye haddii uu isdifaaco ama feejignaado qofka la dilayo ama loosoo hiiliyo ayuu kaalmeeyaa, marka hal il-biriqsi ayaa loo baahanyahay inaad ku boodo adigoo isku dayaaya inaad cararto, si kan kale fursad u helin (FG: waxaa laga yaabaa inaad cusleysato ama kula adkaado
Talooyin Muhiim ah ee Amaanka Naftaada
TALOOYIN MUHIIM AH EE AMAANKA NAFTAADA | “مَن قَتَل نفسًا بغَير نف س أو فسا د في الأرض فكأنَّما قتَلَ الناسَ جميعًا ومَن أحياها فكأنَّما أَحْيَا الناس جميعا”
laakiin tababar yar bay u baahantahay hadaad fursad u hesho, ilaah waxaan ka baryeenaa in uusan ku haleelshiinin).
 Laamiga Makka almukarama (iyo kuwa lamidka ah) ha u fadhiisanin shaah, waayo waxaa ku badan qaraxyada gawaarida, sidoo kale iska ilaali inaad aaddo hoteellada bartilmaameedka ah sida: (Saxafi, Makka, Naasa hablood 1, 2, Xayaat, Ambasadoor, Wehliye, Sayid, SYL. Iyo hoteellada kale ee la mid ka ah, ama hoteellada xeebta Liido).
 Xilliyada qaraxyada la filankaro: (6:00am -9:00am 15%), (10:00am -2:00pm 20%), (3:00pm – 7:30pm 60%), (8:00pm – 5:00am 5%).
5. Gaarigaada & gaadiidka aad isticmaaleyso:
 Gaari hadaad leedahay waxaad halis ugu jirtaa in lagu beegsado, waayo qofka gaariga ku dhexjira waxaa yar khiyaarka uu uga baxsan karo dilalka qorsheysan ee 30ka il-biriqsi dhaca ama waxaa badan in wax loogu xiro kursiga hoostiisa. U yeelo qorshe gaarigaada amnigiisa sida naftaada.
 Gaariga waxaad dhigataa meelo aan badneyn oo aad kalsooni ku qabtid ugu yaraan 95% sida gurigaada oo dayr fiican leh iyo goobta shaqadaada oo leh ilaalo hufan.
 Hal waddo gaariga marwaliba ha marsiinin hadey jiraan wadooyin farabadan, hadaad aragto wado ciriiri aheyn gaariga xawaarihiisa si taxadar leh u siyaadi, si qofka ku raba uusan kuusoo gaarin ama wixii laguu dhigay aad u dhaafto.
 Gaarigaada la soco xaaladdiisa kuna samee baaris joogta ah, ogow, haddii fursad laguu helo hoos keliya wax laguma dhejiyo ee gudaha iyo meel walba oo suurtagal ah. gaarigaagu ha noqdo cunugaaga oo jirradiisa ogow.
 Meel khatar ah waad aadi kartaa hal mar 6dii bilood ugu yaraan, adigoo iska dhigayo gaariga laguugu yaqaan, ama qaabka lagugu yaqaan wax kabadalayo.
Talooyin Muhiim ah ee Amaanka Naftaada
TALOOYIN MUHIIM AH EE AMAANKA NAFTAADA | “مَن قَتَل نفسًا بغَير نف س أو فسا د في الأرض فكأنَّما قتَلَ الناسَ جميعًا ومَن أحياها فكأنَّما أَحْيَا الناس جميعا”
 Hadaad isticmaaleyso gaadiidka dadweynaha ee BL ka iska ilaali inaad shirka (qeybta hore) raacdo, hadaad ka fursan weydo raac shirka markaad rabto inta u dhexeyso (isgoyska Banaadir ilaa km0 ilaa Xamarweyne), waayo dilal badan ee dhacay markaan u kuurgalnay dadka shirka saaran ayaa lagu beegsaday oo ahaa askar ama shaqaale dowladeed, shirkana waa meel muuqata oo lagarankaro inaad saarantahay gaariga, adigana aadan u war heynin dadka kula saaran.
 Waxaa wanaagsan (Amaan ahaan) inaad isticmaasho Bajaaj, waayo waa gaadiid aad iyo aad u fara badan, aanan loo kuurgali karin dadka ku dhexjira, si fududna loo helikaro, si fududna meeshaad rabto kuu geyn karo.
DHAMAAD
FADLAN MARKAAD AKHRISO U DIR WALAALKAAGA AMA SAAXIIBKAAGA AAD DAREEMEYSO IN AYKHUSEYSO OO KA QEYBQAADO BADBAADINTA NAFSADA WALAALKAAGA.
” من ق ت ل نفسًا ب غير نف س أو فسا د في الأرض فكأن ما قت ل النا س جميعًا و من أحياها فكأن ما أ حي ا الناس
جميعا”
صدق الله العظيم

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.