Home Afsomali Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow oo loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka Cusub...

Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow oo loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, Guul Taariikhda gashay

dhuxulow

MUSTAF DHUXULOW oo loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, Guul Taariikhda gashay

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa goor dhow ku guuleystay kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose, isagoo helay dhamaan cododkii ergooyinka dooranayay, kaddib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayay.

Mustaf Dhuxulow ayaa helay 47 cod oo ahaa cod gacan taag ah Ergadii la tartamayay, waxaana uu noqonayaa Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose.

Kursiga Murusade Habar ceyno ayaa waxaa ku tartamayay Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo horay Wasiir uga soo noqday Xukuumadihii dalka soo maray, isla markaana ahaa Xildhibaan ayaa waxaa kula tartamayay Axmed Mukhtaar Maxamuud kaas oo markii dambe is casilay.

Dhuxulow oo ah siyaasi dhalinyaro ah isla markaana waayo aragnimo u leh xaalada dalka ayaa la filayay inuu guushan gaaro maadama galgal badan iyo dadaal fara badan uu geliyay soo laabashadiisu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.