Home Afsomali Dhageyso Boqolaal Shacab ah oo u damaashaad tagay degaanka Daarul salaam (...

Dhageyso Boqolaal Shacab ah oo u damaashaad tagay degaanka Daarul salaam ( DAAWO SAWIRADA )

Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta buux dhaafiyay xaafadda cusub Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.

Dadkan oo ka kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa Saaladda Ciidul Adxa ku oogay barxadda Masjidka Daaru-Salaam.

Sidoo kale Caruur, Haween iyo Qurbe Joog Soomaaliyeed ayaa u dalxiis tagay deegaanka qurxoon ee Daaru-Salaam.

Agaasimaha guud ee beerta Daaru-Salaaam Maxamed Maxamuud Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah fahin ka bixyay agabyada ay sanadkan soo kordhiyeen.

Waxaana uu sheegay in isbedal ballaaran ay ku sameeyeen beerta Daaru-Salaam iyo qeybaha kale ee ay ku cayaaran Caruurta.

Daaru-Salaam oo ah meel ku haboon Dalxiiska ayaa waxa u damashaad taga Ciid kaste dadweynaha ku nool magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shacabka Soomaaliyeed ee kunool ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta u damaashaad tagay degaanka Daarul Salaam duleedka Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.