Agaasimihii Tv ga galmudug Maxamed Xasan feynuus oo xilkii laga xayuubiyey iyo Eng abtidoon oo si KMG ah loogu magacaabay in uu xilkaa iyo maamulka tv ga sii wado
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne xaaf ayaa lagu sheegay xil ka qaadista iyo magacaabida masuulka cusub waxaana arintaani ka danbeysay is qabqabsi ka dhaxeeyey shaqaalaha wariyaasha iyo maamulkii hore taasi oo sababtay in howshii tv ga galmudu uu ku yimaado hoos u dhac.
Tv ga galmud ayaa leh taageeyaraal aad u badan kuwaa oo madaxweynaha uga cowday in barnaamijyada uu sii daayo tv gu ku qanacsaneyn maadaama shaqaaluhu yimihiin kuwa tayadoodu liidato.
Si kastaba waxaa la filayaan in eng Cabdiqani Axmed abti doon wax badan ka badali doono isla markaana uu la iman doono wax qabad muuqdo
Isaga oo balan qaaday in uu sameyn doono barnaamijyo daawadayaasha tv ga raali galain doono