Home Afsomali Madaxweynaha la filayo in uu ku guuleysto doorashada MKG ayaa xafiiskiisa ku...

Madaxweynaha la filayo in uu ku guuleysto doorashada MKG ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ay ka mid yihiin Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira

Wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira, ayaa Magaalada Baydhaba kula kulmay
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda ah Gudoomiyaha Golaha
Iskaashiga maamul goboleedyadda, waxaana Kulanka diiradda lagu saaray khilaafka
u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen doorashada Madaxtinimada ee bisha soo socota ka dhaceysa degaannada Koofur Galbeed.

Todobaad ka hor ayay gaareen magaalada Kismaayo Wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika Waxaana ay wali waddaan dhexdhexaadinta dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Jubaland ayaa todobaadkii hore ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay taageeraan go’aamada beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.