Xaflad aada is dhaxgalka bulshada iyo horumarka dagmada dayniile ayaa ka dhacday isla xarunta dagmadaas
Munaasibadaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubnaha labada gole ee dowlada maamulka Gobolka Banaadir taliyayaal iyo saraakiil ciidan .dadweyne aad u fara badan iyo marti sharaf kale oo mun
Intii ay socotay xaflada waxaa looga hadlay maamul wanaaga iyo waxqabadka Muuqda ee gudoomiyaha dagmada Maxamed Abuukar jacfar
Gudoomiye ku xigeenka dagmada Xildhibaan gaafow iyo taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsidaha ayaa si isku mid ah u amaanay horumarka dagmadu gaartay
Ugu danbeyntii gudoomiyaha dagmada iyo gudoomiyaha maamulka Gobolka Nabaadir oo munaasibada soo gabagabeeyey ayaa ka hadlay Amiga iyo u sameynta dagmada gole deegaan
Dagmada dayniile ayaa noqoneysa dagmadii markii ugu horeysay ee yeelata xafiis uu leeyahay hagaanka socdaalka iyo jinsiyadaha oo isla markaana bixinaayo baasaboorada dalka Somaliya
Muuse