Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo La Kulmay Xoghayaha Amniga Gudaha Maraykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo La Kulmay Xoghayaha Amniga Gudaha Maraykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahad Maxamed Guuleed Khadar, ayaa dalka Jordan kula kulmay xoghayaha amniga gudaha Maraykanka, Kirstjen Nielsen.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo xoghayaha amniga gudaha Maraykanka ayaa ka wada hadlay arrimaha khuseeya labada dal gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo taageerada dawladda Maraykanka ee dib-u-habaynta ciidaanka.

Dhanka kale, waxaa galabta lasoo gebagebeeyay shirkii amniga ee lagu qabtay magaalada Aqaba ee dalka Jordan.

“Waxaa si guul ah noogu soo idlaaday shirkii uu marti geliyay boqorka Jordan iskaashiga caalamka ee la dagaalanka kooxaha nabad diidka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

Kulanka Aqaba ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo fikir ahaanba looga hor-tegi lahaa ficillada abaabulan ee kooxuhu ka gaystaan caalamka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.