Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo shati siineyso kalluumeysato ajnebi ah 30 sano ka dib

Dowladda Soomaaliya oo shati siineyso kalluumeysato ajnebi ah 30 sano ka dib

Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay markii ugu horreysay muddo 30 sano ah si daahfuran u bixiso shatiyo kalluumeysi oo la siinayo iskaashatooyin ka soo jeedo dalka Shiinaha. Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa maanta saxiixi doonaa shatiyadaasi oo la siin doono iskaashatada COFA ee dalka Shiinaha oo ah 32 (Shati)

Hal milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah ayaa lagu bixiyey 32-da shati ee ay wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda saxiixday.

Shatiyada in la bixiyo waxaa fududeeyey heshiis 10-kii bishii Febraayo ku dhexmaray magaalada Muqdisho oo ka dhaxeeyay sida loo kala leeyahay shaqada iyo in dowladda dhexe ay leedahay awoodda bixinta shatiyada kalluunka.

Lacagta oo si toos ah ugu dhici doonto Bangiga Dhexe lama bixin doono ilaa laga heshiiyo qeybsiga kheyraadka dalka Soomaaliya, sida ay dowladda sheegtay.

Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda waxa ay Iskaashatada COFA u saxiixday inay la bixi karto kalluunka Tuna oo kaliya ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.