Home Afsomali Doorashada Aqalka Hoose oo Maanta ka Bilaabaneysa Magaalada Muqdisho

Doorashada Aqalka Hoose oo Maanta ka Bilaabaneysa Magaalada Muqdisho

xamar

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ayaa Maanta ka Bilaabaneysa Magaalada Muqdisho sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

Illaa Saddex Kursi oo ka mid ah Kuraasta Xubnaha Aqalka Hoose gaar ahaan Beelaha Banaadiriga ayaa Maanta ka dhaceysa Xarunta Gaadiidka Booliska Ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa sheegay in Ammaanka Goobta ay ka dhaceyso Doorashada si weyn loo adkeeyay islamarkaana Ciidanka Ammaanka Amniga Xaqiijinayaan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa sheegay in Doorashada Xubnaha Labada Aqal Ee ka soo jeeda Somaliland ay Goor dhaw Bilaaban doonto.

hanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.