Home Afsomali Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo Kormeeray Garoonka Diyaarada Muqdisho

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo Kormeeray Garoonka Diyaarada Muqdisho

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta kormeeray shaqooyinka ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho.

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha XFS oo ay wehliyaan wasiirka duulista hawada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa xog-waraystay howlwadeennada garoonka.

Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku ammaanay wasaaradda duulista hawada sida ay horumarinta ugu samaysay adeegyada bulshada safarka ah u fududeynaya socdaalkooda, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan.

Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan oo shaqeeya habeen iyo maalin ayaa waxaa xilligaan ka muuqda horumar dhinac waliba ah, waxa uuna wasiir Oomaar ballan qaaday in ay joogtaynayaan horumarinta garoonka iyo guud ahaan arrimaha duulista guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.