Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Dhiggiisa Dawladda Qatar ( DAAWO...

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Dhiggiisa Dawladda Qatar ( DAAWO SAWIRADA )


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo dhiggiisa Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arrimaha gudaha, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, ayaa kulanka ka sheegay in ay ka go’antahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu ka qayb gelayaa shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo ay kasoo qayb gelayaan madax ka socota wadammo kala duwan.

6Z0A7304
6Z0A7347
6Z0A7354
6Z0A7359
6Z0A7358

—DHAMMAAD—-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.