Home Afsomali Masuuliyiin Xukuumadda Ka tirsan oo Madaxweynaha Hortiisa Lagu Dhaariyey ( DAAW) SAWIRADA...

Masuuliyiin Xukuumadda Ka tirsan oo Madaxweynaha Hortiisa Lagu Dhaariyey ( DAAW) SAWIRADA )

Masuuliyiin tiradoodu dhan tahay 15-xubnood (Shan iyo toban) oo xilal ka haya hay’adaha kala duwan ee xukuumadda, ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi.
Masuuliyiintan oo kala ah wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan Iimaan, guddoomiyaha Baanka dhexe,Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, xubno katirsan guddiyada Maamul-wanaagga, Dhawrista Tayada iyo Xuquuqal Insaanka, ayuu madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Guddoomiye-ku-xigeenka maxkamdda sare, ahna ku simaha guddoomiyaha, Garyaqaan Maxamed Cumar Geelle, waxana uu madaxweynuhu masuuliyiintan kula dardaarmay inay ilaaliyaan masuuliyadda culus ee dushooda saaran, kuna dedaalaan caddaaladda iyo sinnaanta, iyada oo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu goob-joog ka ahaa dhaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.