Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),  Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan Pekka Haavisto oo ka tirsan baarlamaanka Finland, khabiirna ku ah arrimaha Soomaaliya iyo geeska Afrika, kana oo shaqeeyay machadka Nabadda dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaan Pekka Haavisto ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha cafinta daymaha, dib-u-eegista dastuurka, hannaanka diiwaan gelinta xisbiyada dalka iyo doorashooyinka la filayo dalka in ay ka qabsoomaan 2020.

Pekka Haavisto ayaa hoggaanka dawladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay uga go’antahay dib usoo kabashada Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dawladda Filand ay ku garab taagantahay ka mira dhalinta himmilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

D37A9875
D37A9885
D37A9877
6Z0A9890

—DHAMMAAD—-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.