Home Afsomali Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ambabaxay Addis Ababba

Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ambabaxay Addis Ababba

 

Muqdisho (SONNA):-Madaxweynaha JFS  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba kadib casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka Abdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay warbaainta qaranka ayaa yiri “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxay ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada Dowladood ,labada Dad iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amniga uu ugu horeeyo, kulankana waxuu daba socdaa kulamadii hore ay u yeesheen”.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.