Home Afsomali GANACSADE. ALI. SHEIKH MAHAMUUD oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka degmada...

GANACSADE. ALI. SHEIKH MAHAMUUD oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka degmada Cadale.

Ganacsade Ali Sheekh Maxamud baaq nabadeed ku wajahan dhalinyaro waayeel iyo cid kasta oo wax ka qabankarta ka soo saaray dagaal beeleed dhex maray labo beel oo walaalo ah oo ku nool deegaan hoos taga degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.
Waxaa uu sheegay in aan xilligan loo baahneyn in lagu dagaalamo arrimo xalkeeda lagu dhameyn karo miiska wada hdalka, isagoo tilmaamay in mas’uuliyada dagaalka Burdheere ay dhamaan teen nasaarantay hadey Odayaasha dhaqanka.tahay hadey siyasiinta hadey ganacsatada tahay &dhamaan bulshada heer keeda kala duwan “kuwa dhintay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacana Alle ha caafiyo, waxaan aaminsanahay in dadkaas hal qoys ay ka wada dhinteen, mas’uuliyadna ay naga saaran tahay in dadkaasi la badbaadiyo oo laga shaqeeyo sidii arrimahooda wax looga qaban lahaa” looguna gurmalahaa si Hagar la aan ah ayuu yiri Ganacsade Ali sheikh maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Somaliyed .

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in dhinacyada dagaalka u dhaxeeyo ay u dheg raariciyaan baaqyada is daba jooga ah ee loo jeedinayo, si xabad joojin buuxda loo gaaro.

Xaalada deegaanadii shalay lagu diriray ee gobolka Sh/Dhexe ayaa maanta degan, waxaana xiisada ku baxay xubno ka tirsan Maamulka Hirshabelle, kuwaasoo ku guuleystay in xabada la joojiyo. Waxuuna ku baaqay shir DEG DEG ah oo lagu dhameeynaayo arinkaas isla markaasna loona fidoyo Gogol nabadee. Labada ninac ayaguna ayaguna ay wada hadal ogolaadaan inshallaah Wabillahi Towfiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.