Korneyl Cabdulaahi Cabdi Faarax oo ah taliyaha ciidamada bolice ka dalka jabuuti oo safar shaqo ku jooga dalka ayaa booqday taliska guud ee ciidamada bolice ka waxaana halkaa uu kula kulmay saraakliil taliyaayaal saraakil xigeeno iyo dableyda ciidanka Bolice
Taliyaasha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan bambeyda ciidanka boliska oo halkaa ku soo bandhiga musiga astaanta qaranka iyo kuwo wadani ah
Taliyaha ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay saraakiisha iyo taliyayaasha ciidanka Bolice ka
Sidoo kale taliyaha ayaa ciidan dhawaan lagu soo tababaray dalka jabuuti ku booqday xarunta taliska guud wuxuuna kula dardaar in ay bulshada uga faaiideeyaan tababarkii ciidan iyo xirfadihii kala duwanaa ee ay soo barteen
Intaa ka dib shir jaraid oo ay si wada jir ah u qabteen taliyayashada ciidamada bolice ka ee somaliya Sareeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed iyo taliya bolice ka jabuuti Korneyl Cabdulaahi Cabdi Faarax ayey kaga hadleen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dalka