Somalisan. net – Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halka ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya banaanka loo soo saaray iyagoo wata gaadiidka dagaalka kadib cabsi ka dhalatay ciidamada gadoodka ah ee wali ku sugan degmada Balcad.
Warar ay heshay Somalisan .net ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho la geeyay ciidan dheeraad ah oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya si loo adkeeyo amaanka garoonka diyaaradaha.
Sidoo kale ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee keydka ahaa ayaa banaanka loo soo saaray iyadoo 4-ta Kontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada la dhigay gaadiidka dagaalka oo dhowr xabo ah.Wararka kale ee aan helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyda laga joojiyay in agagaarkeeda lala yimaado wax ka badan 4 Askari oo istaaf ah, iyadoo lagu wargeliyay wasiirada qaar ee lagu ilaaliyo dhowr gaari ee Cabdi bilaha ah.
Arimahaan oo dhan ayaa waxaa sabab u ah Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya oo sameeyay gadood kuwaas oo ku hanjabay in aysan istaagi doonin ila magaalada Muqdisho ay kasoo galaan.isla markaasna ay bar tilmameysan doonaan meelaha muhiimka ah Haddaba hadii dowladii ay isku mashquushay yaa umaqan ilaalinta &difaaca qaranka. Soomaaliyeed??. Waxii soo kordho waan idiinla wadaageynaa. Rabi tallo ku filan. Somalisan .net