Home Afsomali gacan ku dhiigle Muqdisho dil ka geystay oo maxkamadi xukun ku riday

gacan ku dhiigle Muqdisho dil ka geystay oo maxkamadi xukun ku riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo ayaa xukun Dil toogasho ah ku riday Askari Darawal Mooto Bjaajle ahaa ku dilay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Cali Maxamud Axmed oo ah Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa 8-dii Bishan May 2019 xili barqo dil bareer ah u geystay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Guure,kaasi oo xiliga uu falka dhacayay waday Mooto Bajaaj isaga uu lahaa.

Eedeeysanaha Dilka toogashada lagu xukumay ayaa sidoo kale dhaawac u geystay Cali Xaashi Mataan oo Sarifle ahaa,isla markaana ku sugnaa Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhawaan dhageystay Dacwada Eedeysane Cali Maxamud Axmed,iyadoo maalimihii la soo dhaafay kiiskaas uu horyaallay Maxkamadda.

Sidoo kale Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda ayaa waxaa lagu xusay in Rafcaan uu qaadan karo Cali Maxamud Axmed oo ah Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya,isla markaana si bareer ah u dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.