Home Afsomali VIDEO RW Kheyre oo soo gunaanaday imtixaankii shahaadiga ahaa

VIDEO RW Kheyre oo soo gunaanaday imtixaankii shahaadiga ahaa

Ra’iisul wasaraaaha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo wasiirka waxbarashadda ayaa soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo si guul iyo nabad-gelyo ah kusoo dhamaaday.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre yaa booqday Xarunta jaamacadii Gahayr iyo jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka socoday si uu u ogaado xaalada ardayda gashay imtixaanka uguna dhiiri galiyo in ay sii wadaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ardayda Soomaaliyeed ee u soo dhabar adaygay waxbarashada u rajeeyey guul, waxa uuna  ku booriyey in ay dadaalka iyo dul-qaadka sii wadaan  si hogaamiyaasha dalka uga mid noqdaan.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo sannadkaan ay ka qayb galeen  31,258 arday ayaa waxa uu si isku mid ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goballada dalka laga soo billaabo 27/05/2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.