Home Afsomali Qaramada miboobay oo wakiilka somaliya in uu noqdo u soo magacaawday James...

Qaramada miboobay oo wakiilka somaliya in uu noqdo u soo magacaawday James Swan

Qaramada miboobay oo wakiilka somaliya in uu noqdo u soo magacaawday James Swan

Mr James Swan oo ah Diblomaasi u dhashay Mareykanka ayaa bedelaya Ergeygii hore ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom, kaasoo horaantii sanadkan ay dowladda Soomaaliya ka eriday dalka.

Antonio Gutterres ayaa muddo baadigoobay wakiil cusub, waxaana uu ka fikirayay in Wakiilka cusub uu noqdo nin ka soo jeeda shanta dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku leh codka qayaxan.

Mr. Swan ayaa ah shaqsi qibrad badan u leh xagga diblomaasiyadda, waxaana uu in muddo ah dowladda Mareykanka u qaabilsanaa xagga Qaaradda Afrika iyo dalalka Nicaragua iyo Haiti, sanadihii 2013 iyo 2016 waxa uu ka soo shaqeeyay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, sidoo kale waxa uu soo noqday Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 iyo 2013, Safiirka Mareykanka ee u fadhiya Djibouti intii u dhexeysay 2008 to 2011.

Magacaabidan ayaa ka dambeysay markii muddo lix bilood uusan Xafiiska UNSOM laheyn wax Ergey ah, kaddib eryidii Mr Haysom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.