Home Afsomali VIDEO Guddoomiye Cirro Oo Si Adag Uga Haddley Xadhiga Boqor Buurmadow, Sheegayna...

VIDEO Guddoomiye Cirro Oo Si Adag Uga Haddley Xadhiga Boqor Buurmadow, Sheegayna Inuu Yahay Mid La Xidhiidh Dumaasha Guddoomiyenimada KULMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka haddley Xadhiga ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi kula kacday Boqor Buurmadow,waxaanu sheegay inuu xadhiga Boqorku uu yahay mid la xidhiidha muranka Guddoomiyahanimada Xisbiga KULMIYE.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidaasi ku sheegay maruu shacabka reer Burco kala haddleeey madal fagaare ah, isagoo sheegay inuu ka xunyahay qaabka ay ay xukuumaddu u martay xadhiga Boqorka waxaanu ku bilaabay haddalkiisa ;-‘Waxaad ka warqabtaan Boqor Cismaan Buurmadow in la xidhay hadda Xisbiga WADDANI muu ahayn odayaashii KULMIYE ugu olollaha badnaa ayuu ahaa, lakiin dariiqa loo maray xadhigiisa iyo in aan la siinin xaqa ah inuu is difaaco inayb ahayd dariiq khaldan oo loo maray xadhigiisa , waxa kale oo aan qabnaa in odayga loo xidhay waxaan ahayn wixii lagu soo eedeeyey, boqor cismaan waxaad ka warqabtaan inay odayaal Togdheer gacanta iskugu dhiibeen berigii dhaweyd doorashada ka hor oo ahayd in Xisbiga KULMIYE lagu soo wareejiyo oo uu Muuse soo wareejiyo doorashada ka dib…” Ayuu yidhi Cirro
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Xadhiga Boqor Buurmadow aanu ahayn mid la xidhhiidh socdaalkii Puntland uu ku tegay , balse wuxuu yahay mid ka dhashay dumaasha guddoomiyenimada KULMIYE ‘Waxaanu qabnaa in arrinta uu Boqorku u xidhanyahay aanay ahay safarkii uu ku tegay Puntland boqorka iyo Madaxweynuhu kaa wey isla ogayeen oo Boqorka ayaa sheegay oo yidhi Madaxweynaha ayaaidiray, marka uu Hargeysa ka baxayeyna xukuumaddu wey sii macasalaamaysay, marka uu soo noqdayna wey soo dhaweysay, haddana isagoo hudheel jooga ayaa la qabtay,waxa cad waxaa loo xidhay boqorka inay tahay muran ka dhaxeeya KULMIYE oo ah Madaxweynuhu inuu soo wareejiyo Xisbiga KULMIYE sidii ay odayaaashu halkan arintaas ayuu u xidhanyahay Boqorku Ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Ugu Dambayntii Guddoomiye Cirro ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi Inuu fuliyo wacadkii uu la galay Beesha Bariga Burco cahadigii ololaha Doorashada , isla marakaana uu wareejiyo Guddoomiyenimada KULMIYE..”Madaxweynaha waxaanu leenahay wixii aad markii hore odayaasha kula heshiisay dee ogolow oo Boqorka iska siidaa…” ayuu kusoo afmeeray haddalkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.