Home Afsomali Munaasibad Garawe ka dhacday oo laga Qeybiyey Buug Diinta Islaamka ka...

Munaasibad Garawe ka dhacday oo laga Qeybiyey Buug Diinta Islaamka ka soo horjeedo iyo cidii Qeybisa oo

Buug ay ku qoran yihiin Qodobo ka hor imaanaya Diinta Islaamka ayaa laga qeybiyay Munaasabad 10-kii bishaan December ka dhacday magaalladda Garoowe.

Dadkii Munaasabada ka soo qayb galay ayaa loo qaybiyay Buugga oo ay ku qoran yihiin 30 qodob oo qodobada 16 iyo 18 ayaa si cad uga hor imaanaya Diinta Islaamka.

Wasiirka Haweenka iyo Xafiiska Difaacaha Xaquuqda Aadanaha Puntland oo iska kaashaday Munaasabadaas ayaa sheegtay ineysan waxba ka ogayn cida qaybisay Buugga.

Anisa C/qaadir Xaaji Muumin iyo Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay iney baarayaan cidii Buugga qaybisay.

Munaasabada laga qaybiyay Buugga ayaa lagu xusayay, Maalinta Qaramada Midoobay ay u sataysay Maalinta Xuquuqda Aadanaha.
Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.