Home Afsomali Sheekada Gabadha Gabdhaha kale wax waxeysay kama duwana sheekadii Magaalo hawada sare...

Sheekada Gabadha Gabdhaha kale wax waxeysay kama duwana sheekadii Magaalo hawada sare guureysa oo wax walba ka dhisan yihiin ayaa la arkay muufaa muufa dhashay taleefoonka hormuud

Sheekada Gabadha Gabdhaha kale wax waxeysay kama duwana sheekadii Magaalo hawada sare guureysa oo wax walba ka dhisan yihiin ayaa la arkay  muufaa muufa dhashay  taleefoonka hormuud wuxuu faafiyaa cudurada la isqaadsiiyo IWM.

Runtii ceebtii kun og tahay kow looguma daro dadkana fadeexadooda lama faafiyo
Anigu Somali iyo saxaafaddeeda wax badan kama rumeysto. Waa dadkii isaga marakacay in la arkay magaalo hawada sare guureysa oo wax walba ka dhisan yihiin.

Shacbiga Soomaaliyeed waa dadkii la cunsiiyay oo daawo looga dhigay jeermis la qamiiriyay oo loo bixiyay “muufo rabbi” sanadihii 2002/03.

Waa dadkii laga dhaadhiciyay in taleefoonka hormuud lasoo dhex marsiiyo cudurka la yiraahdo “Anthrax” oo qofku markuu taleefoonka qabtaba uu afka iyo sanka dhiig ka keenayo oo markiiba halkaa ku dhimanayo.

Waa dad u nugul quraafaadka iyo barabagaandada.

gabdha la sheegayo dareen sow ma laha ma waxay kala garan waayeen sida loo waxwaxeynaayo run iyo been mida ay tahay

Maantana waxay noo keeneen in la qabtay naag nin iska soo dhigtay oo sanooyon badan soo qabi jirtay dumar kala duwan, iyadoo isticmaali jirtay alaab macmal ah oo loo ekeysiiyay xubinta taranka ee ragga. Bal ma waxaas ayaa isqaban kara?! Kii rumeystayow bal iiga jawaab su’aalahan:

1- naagtu sow ma laheyn ehel, qaraabo, saaxiibbo iyo dad kaloo yaqaan; sidey ugu suuro gashay in ay mar kaliya nin isu beddesho, iyadoo intaas oo sano soo aheyd gabar la yaqaanay oo magac dumar laheyd.

2- gabdhaha ay qabi jirtay miyaysan jirin mid kaliya oo aragtay iyadoo qaawan, hal jeerna Allaha ka dhigee?

3- xaasaska ay qabi jirtay oo ay bahalka macmalka ah ku gufeyn jirtay  miyeysan dareen lahayn oo ayna kala aqoon jir banii’aadam iyo alaab gacan ku sameys ah.

4- sidee bay u dareemi waayeen in qofkan naageysanaya ayna marna ka imaaneyn qoyaankii ubadku ka beermi lahaa?

Sheekadan dhan kasta markii laga eego waa wax aan la rumeysan karin, waxayna u egtahay sheekadii magaaladii guureysay ee hadda ka hor laga soo sheegi jiray Gobalka Hiiraan!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.