Home Afsomali SAL MA LEEDAHAY SIYAASADDA HOGAANKA SOOMAALIDA!!!?

SAL MA LEEDAHAY SIYAASADDA HOGAANKA SOOMAALIDA!!!?

Qormadan waxaan ugu tala galay inaan ku falanqeeyo, isla markaana ku
qaadaa dhigo, fahamka waxa ay siyaasadu tahay iyo sida ay Somalidu u
fahmeen.

Oraah Somaliyeed ayaa waxa ay leedahay {Hashu maankeygi Gadayee ma
misaar bay laqday}, maahmaahdaan dadku waxay u isticmaalaan marka ay
arkaan wax jahwareeriya oo xalkoodu adkaado, waxaana uga gol leeyahay
siyasadda somalida meel loo raaco ma leedahay?

Haddii aan ku hor maro maxay Soomaalidu siyaasad u taqaanaa? jawaabta
imaan kartaa waxay tahay waa been,waa boob, waa beec iyo xoog, waa
siyaasadda Soomaalida iyo qaabka ay u fahamsan yihiin, iyadoo su’aasha
kale ee la iswedydiin karo ay tahay maxaa keenay in sidaa uu
fahamkoodu noqdo? waxaa
lagu micneyn karaa hoggaamiyeyaashi dalka soo maray oo iyagu lagu soo
doortay afarta qodob ee aan kor kusoo xusay, waxaana meesha ka baxay
waxa ay tahay siyaasadda saxda ah ee hoggaan dal ama shacab, oo ah
waxa ku yimaada inta badan aqoon la barto, iyo waayo aragnimo
hoggaanimo oo
ku shaqeeyo kasbashada shacabiga. Siyaasada saxda ah waa cilmi la
barto oo horseedo dowlad wanaagsan iyo horumar dhaqaale oo dalka lagu
soo dabbaalo.

Sida ku cad saxaafadda somalida waxaad moodaa in shacabka somaliyeed
loo diray Sanbuuse Afar geys ah oo ay raadinayaan waxa ismaan dhaafay
xagga siyaasadda dalka oo aanan toona ka soo rayneynin in ay kasii
darto mooyaane oo siyaasigii hadlaaba uu hadalkiisa kusoo koobmayo
afarta erey ee ah Been, Boob, Beec, iyo xoog oo aad moodo in
shaqadiisu tahay in dadka uu baro waxa ay tahay Qabyaalad iyo
difaacidda dano qabiil gaar u leeyahay, Siyaasad Xumida Siyaasiyiinta
Soomalida waa ka mid ah in aysan afkiisa ama niyadiisuba aysan ku
jirin yaa dalkaan burburay iyo dadkaan daalay u maqan?.

Soomaalidu waxay tiraahdaa runsheeg waa ceebsheeg, laakin waxaan
cidina caad ka saarneyn in burburka dalka uu gaaray meeshii ugu xumeyd
ee ebid uu dal gaaro, kuna qaangaaray dagaallo sokeeye iyo qabyaalad
jecleysi, tiiyoo aan shacabkeena lagu dhiiri gelinin waxa uu qabiil
yahay iyo sida dunidu ay qabyaalad ula tacaasho.

Qofkaad maanta weydiiso waa maxay dhibaatada Soomaaliya ka taagan
wuxuu kuugu jawaabayaa waa Qabyaalad, qabyaaladduna waa cudur aan dawo
laheyn, cudurku hadduusan dawo laheyna waxaa lagula tacaalaa in la
karantiilo oo meel la isaga leexiyo, taas ayaana kow ka ah in la isla
fahmo oo shaqsi kasta ogaado waxa ay wadaniyaddu tahay.
Billowgii gobonimodoonka Soomaaliya ayaa waddaniyiin Soomaaliyeed
waxay isku qanciyeen sidii loo xoojin lahaa waddaniyadda, loona tuuri
lahaa qabyaaladda markaasey waxa ay qabyaaladda ka dhigeen wax la isku
ceebeyo, isla markaana waddaniyadda ammaan laga dhigto, waxaana
qolooyinka loogu yeero afmaalka laga adeejiyey sideey borobagando uga
sameyn lahaayeen waxa qabyaalad la yiraahdo, si ay dadka u nacsiiyaan
ku dhaqanka qabyaladda, wanaagga ay waddaniyaddu leedahayna sare u
qaadaan.

Xizbigii soo hindisay fikirkaa wuxuu ahaa {SYL} sanaddii 1943, balse
mashruucii la dagaalanka qabyaaladda ma noqonin mid sidii loogu
baahnaa u hirgalay
ee maxaa diiday ayeey su’aashu tahay?

Waa Maxay Muwaadin?

Fikirkasaliimka ah ee wadanigu wuxuu ku saleysan yahay bilowgiisa hore
in dadka Somaliyeed yihiin muwaadiniin usiman xuquuqda iyo
waajibaadka, loona kala fuquuqin qabaa’illo, nin jecleysi IWM. waxaa
muhiim ah in qofkasta ogaado in dalku yahay shirko oo uusan qofna
gooni u laheyn oo ay meeshu ka baxdo shaqsiyaadka dalka
isjecleysiinaayo oo aad moodo in iyagu uun ay leeyihiin, wuxuu
dastuurka dowladda federal ah iyo xeer hoosaadkiisu ay qorayaan (in
xuquuqda dalku ay shacabku u siman yihiin muwaadinka somaliyeedna laga
doonayo in uu dhawro diinta islaamka, lana hormariyo.).

Dowladnimo;

Bal aan dib u jaleecno waxa ay dowladi tahay, inagoo halkaas ka
fiirineyno siyaasadda dowladda halka ay ku saleysn tahay. Waxaa dhacay
dil qorshaysan oo lala beegsaday madaxweynihii 2aad ee dalka
Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma’arke, magaalada Laascaanood,
sanaddu markay ahayd 1969/10/16, waxaa lagu xantaa dowladdi kacaanka
in ay dilkaas ka danbeysay, balse waxaa geeridii Sharma’arke dabadeed
gaashaanka u qabtay dalka Soomaaliya dowlad kacaan loogu magac daray
oo uu garwadeen ka ahaa Maxamed Siyaad barre, dowladii kacaanka marka
laga reebo dhisme iyo hantiwadaag ay dalka ka sameysay waxa ay hanan
waysay kalsoonidii shacabka dalka u dhashay, kaddib markii
siyaasaddeedu ay dabada la gashay diin aysan iyagu markaas waxba ka
garaneynin, taasoo
sababtay in dalka ay ka dhacaan dagaallo ahli ah oo 19 sano jirsaday,
hayeeshe shir lagu qabtay dalka Jabuti ayaa waxaa lagu soo caleemo
saaray dowlad uu Cali Mahdi Maxamed madaxweyne kasoo noqday sanaddu
markey aheyd 21-07-1991, waxayna dowladaas kusoo fashilantay siyaasad
loogu magacdaray {Calina gar leh Ceydiidna garleh} oo caqli
siyaasadeed oo kala saara loo wayey.

Hayeeshee 10 sano oo dowlad la’aan uu ahaa dalka Soomaaliya ayaa
hadana dib waxaa loogu soo lagu soo dhisay isla dalkii Jabuuti
magaladda Carta Dowlad iyana logu
magac daray TNG oo uu madaxweyne ka soo noqday Cabdiqaasim Salaad
Xassan 27-08-2000, dowladii TNG waxa lagu tilmaama dowladdi ay
shacabka ugu kalsooni badnaayeen in ay aheyd balse ay hanan waysay
dalkii, kaddib isku dhac u badnaa dhexdooda oo sababay in cabdiqaasim
uu soo magacaabay 5sano gudahood saddex Ra’isul wasaare iyo labo
guddoomiye baarlamaan, kuna fashilantay meel xaalkeeda la ogyahay.

Sidoo kale waxaa dhacday in haddana urur goboleedka IGAD uu dalka
kenya kusoo dhisay dowlad ay hogaamiyeyaashi dagaalka dalka ay u dhan
yihiin
13-Oct-2004, waxaana madaxweyne ay u doorteen in uu noqdo Cabdulaahi
Yuusf Axmed, dowladdaas oo loogu magac daray {TFG} Transitional
Federal
Government, waxay noqotay dowladdi ebid ugu siyaasad xumeyd ee dalka
Soomaaliya soo martay, iyadoo sidii tii ka horeysay uu madaxweynihii
magacaabay saddex Ra’iisul wasaare iyo labo gudoomiye Baarlamaan,
waxaase intaas u sii dheereed in dalkii Soomaaliyeed ay kusoo
hogaamisay cadawga
kowaad ee somaliya oo ah Ethiopia, gumaad farabadana ka geystay, kuna
fashilantay dowladasi siyaasadii ay la soo banaan baxday, meelna
marsiin waysay hadafkeedii loo soo doortay.

Hadda waxaa loo doortay in uu madaxweyne dalka ka noqdo wadaad diimeed
lagu magacaabo Sheikh Shariif Sh Axmed, wuxuuna madaxweyne ka yahay
dowlad midnimo qaran loogu magacdaray oo ka kooban 550 xildhibaano,
waxa looga fadhiyana waa in ay marto waddadii dowladihii hore mareen
ama wado ka duwan oo ay la timaado siyaasad meel ku saleysan oo ka
baxsan kana duwan siyaasdihii Soomaaliya godka galiyey ee ku dhisnaa
hab qabiil, qabqable, boob, xoog, been, IWM.

Waxaan ku soo afmeeraa qormadeydan, waxay umdadda Soomaaliyeed u
baahan yihiin madax cadaalad ku shaqeysa, sharcigana dhowrta,
horumarna keenta, taas ayaana ah waxa guusha lagu gaari karo, dalkasta
oo wax noqdana dadkiisa ayaa gaarsiiyaa, dowlad kasta oo hanata
shacabkeedana aqoonteeda ayay leedahay iyo waayo aragnimadeed, waxaana
muhiim ah in ahmiyad gaar ah la siiyo in qabyaaladu tahay siyaasad tan
ugu xun ee ay noqotaa mid meel la iska dhigo, dowladduna ay noqotaa
mid kobcisa dhaqaalaha dalka, oo aysan iyadu mushaaraadka ka sugin
hay’ado banaanka ah, lana timaadaa horumar barri lagu dooran karo
hogaan wanaagsan, runtuna waxa ay tahay in magaca Soomaaliyeed maanta
uu yahay mid laysku caayo oo fuxshi iyo fadeexo dhexda ka yaalo ee loo
istaago in uu noqdo mid laysku ammaano oo xabadka loo garaacdo, si
kastaba Gacmo wadajir ayay wax ku qabtaan ee Qaranka haloo istaago.

Raaligalin, waxaan raali galinayaa cidkasta oo uu qoraalkaan taabanayo
waxaana mahad gaar ah siinayaa aqoonyahanada aan qoraalkooda xigashada
ku sameyey iyo intii gacanta igala geysatay.

By: Cibaar Sh Cali Cibaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.