Home Afsomali Xaduud Beenaadka Kenya dhulka .N.F.D oo dad Somali ah lagu dilay meydkoodiina...

Xaduud Beenaadka Kenya dhulka .N.F.D oo dad Somali ah lagu dilay meydkoodiina la gubay

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in illaa afar qof oo Soomaali ahaa ay ku dileen gobolka Tanariva ee dalka Kenya, kadibna ay gubeen.

Rag hubeysan oo aan illaa iyo hadda la garan ayaa la sheegay in ay fulieen dilkaasi arxan darrada ah.

Afarta qof ee la toogtay, kadibna la gubay Meydadkooda ayaa 2 ka mid ah waxay ahaayeen walaalo, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay, Xuseen Cali iyo Mustaf Cali.

Sidoo kale labada qof ee kale ayaa la sheegay in ay ahaayeen darawallo ka shaqeeya qeybo ka mid ah N.F.D .Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, iyada oo ay arrintan walaac badan ku abuurtay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Tanariva.

Dhanka kale ehellada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda Kanya in ay gacanta lagu soo dhigto kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Kenya oo ku aadan dhacdadaasi, basle waxa ay saraakiisha dalkaasi sheegeen in ay baari doonaan falkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.