Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne Ku xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen Xildhibaan Haadir Amiin Jeesow ayaa Kormeeray Duleedka Magaalada Beledweyne gaar ahaan wanqarka ceel jaalle oo deeq raashin ah loogu qeybinayay 4000 (AFAR KUN) Oo qoys oo ay saameysay fatahaada wabiga, iyagoo u kuur galayay sida u socdaan howlaha Gurmadka ee ka socda Beledweyne,
waxaana deeqdani raashinka ay ka timid Walaalaha Puntland, sidoo Kale waxa ay ka mahadceliyeen Garab istaaga Walaalaha Puntland iyo Dowladooda ay u soo gurmadeen Dadka Fatahaadu ay Saameysay.
xildhibaan dahir amin jeesow oo kamid xildhibanada barlamanka federalka soomaaliya ayaa sidoo akle kormeer indha in dheyn ah ku tagay warqarka ceel jaalle iyo goobaha kale oo ay kasocdaan qaybinta deeqahaha kala duwan ee ku sugan yihiin dadkii kasoo deegan guuray fatahada uu sameeyay wabiga shabelle gaar ahaan magalada baladweyne.
xildhinanka waxa uu warbixin ku saabsan hananka dadka loogu qaybinayo cunooyinka iyo agabka muhiimka u ah nolosha aas aasiga u ah uu ka dhageestay afar hay adood oo kasocdo dalka turkiga iyo Maamulka Puntland .
intaa kadib xildhibaanka ayaa kormeeray goob ay dowlad goboleedka putland ay deeq rashiin uqaybineysay in kabadam 4000 kun oo qoys kuwaa oo ku duunya wayay fatahaada uu sameeyay wabiga shabelle.
waxaa siwadajir warbahinta ulada hadlay xildhibaan dahir amiin jeesow iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga dowlad goboleedka putland Maxamed Ceydiid