Home Afsomali Ciidamada amaanka Muqdisho oo ka baadigoobaya askarigii dilay hani Ismaaciil Yuubane

Ciidamada amaanka Muqdisho oo ka baadigoobaya askarigii dilay hani Ismaaciil Yuubane

asakas

Ciidamada Booliska ayaa howlgal lagu baadigoobayo askari ka tirsan ciidanka dowladda ka wada xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kaddib markii askarigaas uu rasaas ku furay goob dad shacab ah ay ku sugnaayeen, waxaana rasaasta ku geeriyootay hani Ismaaciil Yuubane  .

Askariga ayaa la sheegay inuu si indho la’aan ah uu rasaas ugu furay goob dad shacab ku sugnaayeen oo ku taal degmada Hodan, iyadoo uu askariga ka baxsaday goobta.

Ciidamada Booliska ayaa tan iyo xalay xaafadaha degmada Dayniile ka waday howlgal lagu baadigoobayay askarigaas, waxaana saraakiisha maamulka degmadaas ay sheegeen in lagu raad-joogo askariga dilka geystay.

Lama oga sababta ka dambeysa in askarigaas uu rasaas ugu furo dadka shacabka ah, hase ahaatee waxaa muddooyinkii u dambeeya Muqdisho ka dhacayay dilal ay ku lug lahaayeen ciidamada dowladda oo si billaa macno daro ah dadka isaga dila.

Todobaadkan gudihiisa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay illaa 3 ruux oo shacab ah, kuwaasoo la sheegay in dilalkooda ku lug lahaayeen ciidamo, iyadoo shalay u dambeysay darawal mooto bajaaj ah oo askari ku dilay isgoyska Howlwadaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.