Home Afsomali Aqriso Qodobada ku Qoran Dastuurka hore oo dhameystiran

Aqriso Qodobada ku Qoran Dastuurka hore oo dhameystiran

DASTUURKA JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA – 1979 GOGOLDHIGGA DASTUURKA Shacbiga Soomaaliyeed ee wadajir iyo midmidba ugu halgamaya nolol sharaf leh iyo sinnan aadaminimo ee qaaya leh, dagaalna ugu jira xasilloonida iyo nabadda joogtada ah, gudaha iyo dibeddaba, si uu u fuliyo danaha guud ee Dadweynaha xoogsatada ah, una xaqiijiyo himilooyinka waaweyn ee Kacaankiisa, midnimada Ummaddisa, hirgelinta dhismaba Hatiwadaagga, si uu u gaaro bulsho ku dhisan caddaalad, sinnaan iyo dimoqraadiyad ijtimaaci ah ee qofkeedu gaaray garaad sare, tiro iyo taya ahaanba, una adkeeyo tiirarka Kacaankiisa iyo gobannimadiisa qiimaha weyn ugu fadhiya, dabadeedna uu u gaaro horumar degdeg ah ee siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshaba, wuxuu go’aan ku gaaray inuu qaato Dastuurkan saldhigga u noqon doona halganka horumarinta Bulshada Soomaaliyeed, nabad iskula noolaashada, iskaashiga iyo wax wada qabsiga Ummadaha Addunweynaha, gaar ahaan kuwa ay dantoodu si gaar ah isugu xirmi karto. DASTUURKA JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA QAYBTA KOOWAAD Mabaadi’ guud XUBINTA KOOWAAD Jamhuuriyadda

Qod. 1aad (Qaranka Soomaaliyeed) 1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyawaa Qaran Hantiwadaag ah oo ay hoggamineyso dabaqadda xoggsatada ahi, waana qayb ka mid ah Ummadda Carabta iyo Shucuubta Afrika. 2. Awoodda oo dhan waxaa leh Dadweynaha, wuxuuna ugu isticmaalayaa isagoo adeegsanaya hay’adihiisa masila.

Qod. 2aad (Calanka, Astaanta iyo Magaalo-madaxda) 1. Calanka Qaranka midabkiisu waa buluug furan, muuqaalkiisuna waa laydi ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh.2. Astaanta Soomaaliya waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddayad dahabiya, dhexdana ku leh xiddig shan-geesley ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed ee xardhan, lehna shan madax oo dahabiya oo labada geesaha ku yaalli ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya labo shabeel oo dabiici ah, isuna tusmaysan, kuna kala taagan labo waran ee isku weydaaranaya caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan labo caleencawbaar oo dabiici ah, diilin cadina ay ay ku qoofalan tahay.

3. Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Soomaaliya waa Muqdisho (Xamar).,

Qod 3aad (Diinta iyo Afka) 1. Diinta Islaamku waa Diinta Qaranka 2. Af Soomaaligu waa afka qur ah oo Shacbiga Soomaaliyeed ku wada hadio, iskuna wada garto, Afka Carabiguna waa Afka Shacbiga Soomaaliyeed, waana midka ku xiriiriya Ummadda Carbeed oo uu ka midka yahay, labadubana waa afafka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

Qod. 4aad (Midnimada Shacbiga Soomaaliyeed) 1. Shacbiga Soomaaliyeed waa shacbi mid ah, Jinsiyadda Soomaaliyeedna waa mid qura. 2. Sharciga ayaa xaddidaya sida lagu helayo ama lagu waayayo jinsiyadda Soomaaliyeed.

Qod 5aad (Dhulka Qaranka)1. Dhulka Qaranku waa muqaddas, waana laguma xadgudbaan. 2. Gobannimada dhulku waxay koobaysaa berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, dhulka iyo badda uurkooda hoose, hawada sare iyo xeebaleyda.

Qod. 6aad (Sumaanta Muwaadiminta) Muwaadiniinta oo dhan, iyagoon loo eegin lab iyo dheddig, diin, dhalasho iyo af toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u simman yihiin sharciga hortiisa. XUBINTA LABAAD XISBIGA

Qod. 7aad (Awoodda iyo hoggaaminta Xisbiga)1- Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed waa midka qur ah ee ka jira Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, lamana abuuri karo xisbi kale ama urur siyaasi ah. 2. Xisbiga Hantiwaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayaa leh awoodda ugu sareysa ee hoggaaminta siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

Qod.8aad (Midnimada hoggaanka dalka) Hoggaaminta Dalku waxay ku dhisan tahay midnimada hoggaanka siyaasadeed ee Xisbiga iyo kan Qaranka. Qod.9aad (Doodaha, go’aanka iyo fulinta)

1. Hay’adaha siyaasadeed ee la doortaa waxay ku shaqeynayaan, heer kasta oo ay yihiin, mabda’a wadarta doodaha, aqlabiyadda go’aanka, iyo u wadajirka fulinta. 2. Hay’adaha Xisbiga dhexdooda, mabda’aasi wuxuu farayaa aragti, dareen iyo doonis mideysan iyo iskuduubni shaqo.

Qodobka l0aad (Iskaabidda wa’ajibaadka Xisbiga iyo Qaranka) 1 Hay’adaha Xisbiga iyo kuwa Qaranku waxay qabanayaan hawlaha mid kasta u gaarka ah ee sharciyadu tilmaamayaan, iyaagoo u maraya jidad kala duwan, si ay u gaaraan ujeeddo mid ah. 2. Abaabulka siyaasadeed ee Dalku wuxuu ku dhisan yahay iskaabidda waajibaadka hay’adaha Xisbiga iyo kuwa Qaranka, sida sharciyada ay ku dhisan yihiin tilmaamayaan.

Qod. 11aad (Xeerka Xisbiga) Qaabka dhismaha hay’adaha Xisbiga iyo shaqadooda waxaa caddeynaya Xeerka Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

Qod.12aad (Ururrada, Bulshada) 1.- Qaranku wuxuu jideynayaa dhismaha ururro bulsbo oo ka kooban dhallinyaro, shaqaale, iskaashatooyin iyo haween.2. Ururrada bulshadu waxay u dhismayaan heer Qaran, heer degaan, heer wax soo soo saar iyo xaruun waxbarasho. 3. Dhismaha, Xeerarka iyo Barnaamijyada gaar ahaaneed ee Ururrada Bulshadu waa in ay waafaqsanaadaan danaha guud ee Dadweynaha, Dastuurka, Xeerka iyo barnaamijka Xisbika Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

Qod 13aad (Awoodda iyo waajibaadka Ururrada Bulshada) Ururrada Bulshadu waxay Ka qaybgalayaan, si waafaqsan waajibaadka xeerarkooda gaar ahaaneed u xilsaarayaan, hoggaaminta arrimaha Qaranka iyo Bulshada, iyo xallinta arrimaha la xiriira siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka.

Qod. 14aad (Diimooqraadiyadda Guddoonka Dhexe) Abaabulka iyo hawlaha Xisbiga iyo Qarankaba waxaa saldhig u ah Mabda’a Diimooqaraadiyadda Guddoonka – Dhexe. XUBINTA SADDEXAAD (SIYAASADDA DIBEDDA) Qod 15aad (Mabda’a Aayakatalmta)

1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay aaminsan tahay Mabda’a aayakatalinta dadyowga Adduunka, waxayna si buuxda u taageereysaa dhaqdhaqaaqyada gobanimadoonka iyo dhammaan dadyowga u halgamaya xornimadooda iyo madax bannaanidooda. 2. Waxay si adag uga soo horjeeddaa gumeysiga, gumeysiga cusub, imberyaaliyadda caalamiga ah iyo midabtakoorka.

Qod.16aad (Dalalka Soomaaliyeed ee la gumeysto) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, iyadoo ku isticmaaleysa dariiq nabadgelyo iyo qaanuun, waxay taageereysaa xoreynta Dalalka Soomaaliyeed ee weli ku jira gacanta gumeysiga, waxayna soo dhaweyneysaa midowga Shacbiga Soomaaliyeed ee ku yimaadda dariiq nabadeed iyo rabitaanka dadka ay khuseyso

Qod.17aad (Siyaasadda dex-dhexaadka iyo nabad-kuwadanoolaashada) 1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay ku soconeysaa siyaasadda dhexdhexaadka wax ku oolka ah. 2. Waxay si buuxda u aqoonsan tahay mabda’a nabad-kuwadanoolaashada Dadyowga Adduunka

Qod. 18aad (Siyaasadda wax-wada-qabsiga) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay horumarineysaa siyaasadda waxwadaqabsiga Dadyowga iyo Qarammada Adduunka ee ku dhisan kala faa’ideysiga, sinnaanta iyo xurmeynta Gobannimada iyo habka siyaasadeed ee qola kasta u gaarka ah

Qod. 19aad (Qaanuunka Dawliga ah) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Sooomaaya waxay aqoonsantahay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga iyo Qaanuunka Dawliga ah ee guud ahaan la aqoonsan yahay. QAYBTA LABAAD XUQUUQDA, XORRIYAADKA IYO WAAJIBAADKA ASAASIGA AH EE MUWAADINKA IYO QOFKA

Qod 20aad (Xuquuqda siyaasiga, dhaqaalaha, bulshada iyo hiddaha) Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo hiddahaba, si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda.

Qod. 21aad (Xaqa shaqada) 1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay shaqo. Shaqadu waa waajib, sharaf iyo saldhigga Bulshada Hantiwadaagga ah. 2. Qaranku wuxuu horumarinayaa abuurista goobo shaqo si loo xaqiijiyo xaqa muwaadinka ee shaqada.

Qod. 22aad ( Xaqa doorashada) Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha sharcigu tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in uu wax doorto, lana doorto.

Qod. 23aad (Xaqa tacliinta) Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay tacliin lacag la’aan ah.

Qod 24aad (Xorriyadda bannaanbaxa, faafinta qoraallada iyo ra’yiga)1. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay in uu ka qayb galo kulan, bannaanbax ama abaabulkooda. 2. Wuxuu kaloo muwaadinku xor u yahay daabacaadda qoraallada, hadalka iyo bandhigga ra’yigiisa si kastaba ha ku muujiyee. 3. Ku isticmaalka xorriyadaha ku qoran lambarka laad iyo 2aad ee Qodobkan waa ineysan ka hor imaan Dastuurka iyo Shuruucda Dalka, anshaxa guud iyo xasilloonida Dalka, waxna u dhimin xorriyadaha muwaadiniinta kale.

Qod 25aad (Xaqa nolosha iyo nabadgelinta qofka) 1- Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa iyo nabadgelinta qofnimadiisa. 2. Sharciga ayaa tilmaamaya xaaladaha qofku ku muteysan karo ciqaab dil. 

Qod. 26aad (Xorriyadda qofnimo) 1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah. 2. Qofna lama xiri karo, xorriyaddiisa qofnimana ciriiri lama gelin karo, haddii aan loogu imaan isagoo denbi faraha kula jira, ama aan lagu qaban amar ka soo baxay Hay’adaha Garsoorka ee awoodda sharciyeed u leh, iyadoo la raacayo habka Sharcigu tilmaamayo3. Qofkii nabadsugid awgeed loo xiro, waa in si deg deg ah loo horgeeyo Hay’adaha Garsoorka ee awoodda sharciyeed u leh dembiga loo haysto, muddada sharcigu farayo dhexdeeda. 4. Qof kasta ee xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay. 5. Qofna shakhsi ahaan looma baari karo haddii aysan jirin shuruudaha ku tilmaaman lambarka 2aad ee Qodobkan ama shuruucda ku saabsan arrimaha la xiriira garsoorka, caafimaadka iyo maaliyadda, ama nabadgelyo awgeed, iyadoo markasta la raacayo habka Sharcigu tilmaamayo, lana dhowrayo sharafka iyo xurmada qofka.

Qod 27aad (Nabadgelinta qofka xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado) 1- Qofka xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado looma geysan karo waxyeello jirkiisa ama moralkiisa. 2. Ciqaabta jirku waa mamnuuc.

Qod. 28aad (Lahaanshaha gaar ahaaneed) 1. Lahaanshaha gaar ahaaneed waa la damaana qaadayaa Sharciga ayaana xaaddidaya dariiqadda lagu kasbi karo ama lagu waayi karo, nuxurkeeda iyo xuduudda isticmaalkeeda si loo ilaaliyo dowrka bulshadeed ee ay leedahay. 2. Isticmaalka lahaanshaha gaar ahaaneed waa in uusan marna wax u dhimin danta guud ee bulshada, waana in uusan ka hor imaan ujeeddoyinka Kacaanka. 3. Lahaanshaha gaar ahaaneed waxaa lagula wareegi karaa dan guud awgeed, gebi ahaanteed ama si ku meel gaar ah, iyadoo qofkii lahaa la siinayo cawilcelin munaasib ah.

Qod. 29aad (Xurmada hoyga) Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, haddii aysan jirin shuruudaha ku xusan lambarrada 2aad iyo 5aad ee Qodobka 26aad.

Qod. 30aad (Xorriyadda isgaarsiinta) Qarsoodiga warqadaha iyo waxyaalaha kale ee war isgaarsiinta la xiriira lama fara gelin karo, haddii aysan jirin shuruudaha sharcigu tilmaamayo.

Qod. 31aad (Xorriyadda diinta) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu rumeeyo diinta ama caqiiddadii kale ee uu aamminsan yahay

Qod 32aad (Xaqa dacwada iyo isdifaaca) 1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto Maxkamadda awoodda u leh. 2. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu iska daafaco Maxkamadda horteeda. 3. Xaaladaha Sharcigu tilmaamayo, Qaranku wuxuu kafaala qaadayaa inuu bixiyo difaac lacag la’aan ah.

Qod. 33aad (Mas’uuliyadda ciqaabta)1. Mas’uuliyadda ciqaabtu waa shakhsi. 2. Eedeysanuhu wuxuu la mid yahay qof aan dembi gelin ilaa Maxkamadi si kama dambeys ah ugu caddeyso dembiga .loo haysto.

Qod. 34aad (Dib u noqosho la’aanta Sharciga Ciqaabta) Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay sharcigu dembi uusan u aqoonsaneyn, sida aan loogu xukumi karin ciqaab aan sharciga ku xusnayn.

Qod. 35aad (Isucelinta eedeysanaha ama dembiilaha iyo magangelyada siyaasadeed) 1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dib waa u celin kartaa qof dembi ka soo galay dalkiisa ama dal kale oo ku soo cararay Dalka Soomaaliyeed, haddii uu jiro heshiis dhexmaray Qaranka Soomaaliyeed iyo kan soo weydiistay celinta eedeysanaha ama dembiilaha. 2. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay siin kartaa xaq magangelyo siyaasadeed qofkii uga soo carara dalkiisa ama dal kale cadaadin siyaasadeed awgeed, isagoo u halgamaya daryeelka danaha dadweynaha, xuquuqda aadamiga ama nabadgelyada.

Qod. 36aad (Ilaalinta hantida guud) Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah ilaalmta iyo xoojinta hantida guud.

Qod. 37aad (Ka qaybgalba kobcinta dhaqaalaha Dalka) Qof kasta waxaa waajib ku ah inuu ka qayb qaato kobcinta dhaqalaha Dalka, bixinta cashuuraadka iyo ka qaybgalka kharashka Qaranka si waafaqsan awooddiisa iyo shuruucda Dalka.

Qod. 38aad (Difaaca Dalka Hooyo) Difaaca Dalka Hooyo iyo adkeynta midnimada shacbiga Soomaaliyeed waa waajib muqaddas ah oo saaran muwaadin kasta.

Qod 39aad (Dhowrista Dastuurka iyo Shuruucda) Qof kasta waxaa waajib ku ah inuu si daacad ah u dhowro Dastuurka iyo shuruucda Qaranka. QAYBTA SADDEXAAD SALDHIGGA DHAQAN DHAQAALE XUBINTA KOOWAAD DHAQAALAHA .

Qod. 40aad (Horumarinta dhaqaalaha) 1. Qaranku wuxuu horumarinayaa dhaqaalaha dalka iyo kordhinta wax soo saarka isia markaana wuxuu xaqiijinayaa in si caddaalad ah dadweynaha wax loogu qaybsho. 2. Si loo dedejiyo horumarinta Dalka, Qaranku wuxuu dhiirrigelinayaa Mabda’a Iskaa Wax U Qabso.

Qod. 41aad (Qaybaha dhaqaalaha) Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya wuxuu ka koobmaa qaybaha soo socda : – QAYBTA HANTIDA QARANKA :oo ah horseedka horumarinta dhaqaalaha Dalka, lehna, mudnaan gaar ah; –QAYBTA HANTIDA ISKAASHATOOYINKA: oo lagu horumarinayo dhaqaalaha xubnaha Iskaashatooyinka, isla markaana lagu kobciyo dhaqaalaha guud ee Dalka, Qarankuna qorshadeeda iyo dhiirrigelinteeda ka qayb galo; – QAYBTA HANTIDA GAAR AHAANEED: oo ah lahaansho gaar ahaaneed ee aan ku dhisnayn iskudulnoolaasho; – QAYBTA HANTIDA ISKU DHAFKA AH: oo ah hanti ay wada leeyihhn Qaranka Soomaaliyeed iyo cid kale.

Qod 42aad (Kharyraadka dhulka iyo badda) 1. Dhulka, khayraadka dabiiciga ah iyo kuwa badda iyo berrigaba, waa hanti Qaran. 2. Sida ugu habboon oo kheyraadkaas looga faa’iideysanayo Qaranka ayaa sharci ku habeynaya.

Qod. 43aad (Qorshaha dhaqaalaba) 1. Dhaqaalaha Dalku wuxuu ku dhisan yahay qorshe Qaran ee Hantiwadaag ah. 2. Qorshuhu wuxuu leeyahay awood sharci oo ka sarreysa tan shuruudda kale3. Waxaa jireysa hay’ad sare ee qorshaha qaranka, Sharciga ayaana tilmaamaya qaabka dhismaheeda, waajibaadkeeda iyo awoodeeda.

Qod. 44aad (Ganacsiga dibedda iyo gudaha) Qaranku wuxuu hoggaaminayaa ganacsisiga dibedda iyo gudaha, isagoo ku hirgelinaya horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Qod. 45aad (Ilaalinta lacagta) Qaranku wuxuu habeynayaa nidaamka maaliyadda iyo lacagta ee Dalka, wuxuuna sharci ku goynayaa cashuuraha. XUBINTA LABAAD HORUMARINTA TACLIINTA, CILMIGA IYO ADABKA

Qod. 46aad (Tacliinta) 1. Qaranku wuxuu mudnaan gaar ah siinayaa horumarinta, ballaarinta iyo faafinta tacliinta iyo cilmiga, wuxuuna tacliinta u arkaa maalgelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadaneysa horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada soomaaliyeed. 2- Tacliinta Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa mid u daneyneysa dabaqadda xoogsatada ah, kuna habeysan waayaha iyo degaanka gaar ahaaneed ee Bulshada Soomaaliyeed. 3. Tacliinta farsamada iyo xirfaddu waxay leeyihiin mudnaanta koowaad-

Qod. 47aad (Tacliinta khasabka ah) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya tacliintu waa lacag la’aan, waana khasab ilaa iyo dhammaadka dugsiga dhexe.

Qod. 48aad (Ciribtirka jahliga) Ciribtirka qoris iyo akhris la’aanta iyo waxbarashada dadka waaweyn waa waajib ummadeed, waana in Dadweyne iyo Qaranba awoodda la isugu geeyaa fulinta waajibkaas.

Qod 49aad (Horumarinta cilmiga iyo adabka) 1. Qaranku wuxuu horumarinayaa cilmiga iyo adabka. wuxuuna dhiirrigelinayaa hindisaha cilmiga iyo adabka. 2. Xuquuqda qoraalka iyo hindisaha sharciga ayaa habeynaya.

Qod 50aad (Dhailinyarada iyo ishoortiga) Si dhaliinyarada loogu xaqiijiyo koritaan jir iyo maskaxeed ee caafimaad qaba. Barbaarintooda iyo garaadkooda siyaasAdEedna kor loogu qaado. Qarana wuxuu ahmiyad gaar ah siinayaa horumarinta iyo dhiirrigelinta ciyaaraha jirka iyo isboortiga.

XUBINTA SADDEXAAD DHAQANKA IYO DARYEELKA BULSHADA

Qod. 51aad (Horumarinta hiddaha iyo dhaqanka) 1. Qaranku wuxuu horumarinayaa hiddaha iyo dhaqanka horusocodka ah ee Shacbiga Soomaaliyeed, iyadoo isla markaa laga faa’iideysanayo aqoonta caalamiga ah ee bulshada aadamiga. 2. Wuxuu dhiirrigelinayaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha waddaniga ah ee dadweynaha. 3. Wuxuu ilaalinayaa, daryeelayaa, waxyaabaha iyo xarumaha Taariikhiga ah ee Dalka.

Qod.52aad (Caadooyinka Bulshada) Qaranku wuxuu dhawrayaa caadooyinka hagaagsan, wuxuuna bulshada ka xoreynayaa caadooyinka haraaga ah, iyo kuwa laga dhax lay gumeysiga, gaar ahaan qabyaaladda eexda, goboleysiga.

Qod.53aad (Xannanada Dhallaanka) Qaranku wuxuu horumarinayaa guryaha xannaanada carruurta iyo xarumaha dhallinta Kacaanka.

Qod. 54aad (Horumarinta Miyiga) Qaranku wuxuu xoojinayaa barnaamijka Joogtaynta Ololoha Horumarinta Reer Miyiga si loo tirtiro jahliga, laysuguna soo dhaweeyo nolosha reer miyiga iyo reer magaalka .

Qod 55aad (Caafimaadka) Qaranku, isaagoo fulinaya siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, wuxuu xoojinayaa ka hortagga cudurrada faafa, daryeelka nadaafadda guud iyo daaweynta lacag la’aanta ah.

Qod. 56aad ( Daryeelka Qoyska ) 1. Qaranku wuxuu daryeelayaa Qoyska isagoo u arkaya aasaaska bulshada, wuxuuna taakuleynayaa hooyada iyo ilmaha. 2. Qaranku wuxuu xil iska saarayaa xannaanada naafada, carruurta aan waalidkood, la aqoon iyo dadka duqooba, haddeyan lahayn cid kale ee xannaanaysa. 3. Qaranku wuxuu kafaala qaadayaa carruurta waalidkood ku geeriyoodo difaaca Dalka.

Qod 57aad (Shaqada iyo Shaqaalaha) 1. Qaranku wuxuu dhowrayaa, horumarinayaana shaqaada iyo noocyadeeda kala duwan. 2. Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, da’da ugu yar ee shaqada loo qaadan karo waa 15 sano 3. Xoogsatadu waxay xaq u leeyihiin, iyadoo aan sina loo kala soocin, mushaar u dhigma hawsha ay qabtaan iyo qiimaheeda. 4. Xoogsatadu waxay xaq u leeyihiin nasasho toddobaad iyo fasax sannadeed. 5. Sharcigu wuxuu xaddidayaa saacadaha shaqada, habka iyo dadka loo qaadan karo shaqooyinka qaarkood.

Qod. 58aad (Qiimeynta Shaqada) Qiimeynta Shaqada Qaranku wuxuu ku dabbaqayaa mabda’a:

QOF KASTA INTA AY KARTIDIISU LA EG TAHAY INUU QABTO, QOF KASTANA INTA AY SHAQADIIISU LA EG TAHAY INUU QAATO.

Qod. 59aad (Taakuleynta iyo badbaadinta Bulshada) Qaranku wuxuu horumarinayaa habka taakuleynta iyo badbaadinta Bulshada, wuxuuna xoojinayaa hay’adaha caymiska guud ee Dalka. QAYBTA AFRAAD QAABKA DHISMAHA QARANKA MADAXA KOOWAAD GOLAHA SHACBIGA Xubinta Koowaad NIDAAMKA IYO HAWLAHA GOLAHA SHACBIGA

Qod. 60aad (Awoodda sharci dejinta) Awoodda sharci dejinta Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay gaar u tahay Golaha Shacbiga.

Qod. 61aad (Doorashada Golaha Shacbiga) 1. Golaha Shacbigu wuxuu ka kooban yahay xildhibaanno Dadweynuhu ku soo doortay madaxbannaani, toos iyo qarsoodi. 2. Xilka Xildhibaannimada Golaha Shacbiga waxaa loo dooran karaa qofkastoo Soomaali ah oo da’diisu ay gaartay 21 sano. Sharciga ayaa xaddidaya xaaladaha qofka aan la dooran karin. 3. Tirada Xildhibaannada, shuruudaha iyo habka doorashada waxaa tilmaamaya sharci gaar ah. 4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya wuxuu u magacaahi karaa Xildhibaanimada Golaha Shacbiga ilaa lix qof oo laga dhex xulo dadka si gaar ah ugu soocmay goobaha cilmiga, adabka iyo fanka, ama leh qiimo sare ee waddaninimo.

Qod 62aad (Muddada xilka) 1. Muddada xilka Golaha Shacbigu waa shan sano, laga bilaabo maalinta la soo saaro natiijada doorashada. 2. Markii ay timaaddo duruuf suurta gelin weyda in doorasho la qabto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, isagoo la tashaday Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed wuxuu awood u leeyahay inuu muddada ku kordhiyo waqti aan hal sano ka badneyn.

Qod 63aad (Kala diridda Gotaha Shacbiga) 1. Golaha Shacbiga waa la kala diri karaa isagoon waqtigiisu dhammaan, marka ay talo ku soo jeediyaan saddex meelood meel xildhibaannada Golahu. ayna isku raacaan saddex meelood laba. 2. Waxaa kale oo kala diri kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isagoo la tashaday Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kaeaanka Soomaaliyeed iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacbiga. 3. Doorashada Golaha cusubi waxay dhacaysaa saddex bilood gudahood laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aanka kala dirka Golaha.

Qod. 64aad (Kalfadhiyada) 1. Golaha Shacbigu sannadkiiba wuxuu yeelanayaa laba kalfadhi. 2. Goluhu wuxuu isugu imaan karaa fadhi aan caadi ahayn markii uu sidaas go’aan ku gaaro Guddiga Joogtada ah, ama ay codsadaan saddex meelood meel Xildhibaannada Goluhu. 3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu Golaha isugu yeero fadhi aan caadi ahayn.

Qod. 65aad (Fadhiyada iyo go’aannada Golaha) 1. Golaha Shacbigu wuxuu fadhigiisa ugu horreeya ka dhex dooranayaa xubnihiisa Guddoomiye, Guddoomiye Ku-Xigeenno iyo Guddiga Joogtada ah. 2. Fadhiyada Goluhu waa u furan yihiin dadweynaha. Hase yeeshee fadhiyo qarsoodi ah waa la qaban karaa haddii ay soo jeediyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddiga Joogtada ah, Dawladda ama ugu yaraan afar meelood meel xildhibaannada, Goluhuna oggolaado. 3- Fadhiga Goluhu wuxuu ku ansaxayaa marka ay ka soo qaybgalaan Xildhibaannada intooda badan. 4. Go’aannada Goluhu waxay ku ansaxayaan cod hal dheeri ah haddii Dasluurka ama Sharcigu uusan tilmaanun aqlabiyad gaar ah.

Qod 66aad (Xeer Hoosaadka Golaha) Habka shaqada Go1aha Shacbiga waxaa lagu nidaaminayaa Xeer Hoosaadka Goluhu guddonsado.

Qod. 67aad ( Awoodaha Golaha) Golaha Shacbigu wuxuu leeyahay awoodaha soo socda:- 1. Wax ka beddelidda Dastuurka Dalka; 2. Dejinta shaciyada iyo oggolaashaha go’aannada saameeya horumarka Dalka; 3- Doorashada iyo xil ka qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya sida ku cad Qod. 80aad ee Dastuurka; 4. Doorashada iyo xil ka qaadidda Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacbiga; 5- Oggolaashada heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga,ama heshiisyada Qaranka u keenaya masuuliyad lacageed. 6. Hubinta dhawridda Dastuurka iyo sharciyada Dalka; 7. Oggolaashaha qorshaha horumarinta dhaqaalaha Dalka; 8. Oggolaashaha miisaaniyadda sannadka iyo miisaanayadda xisaabxirka. 9. La xisaabtanka Dawladda iyo xubnaheeda; 10. Awoodaha kale ee Dastuurku siiyey Golaha..

Qod.68aad (Xilsaarasho Sharci dejin) 1. Golaha Shacbigu wuxuu Dawladda u wakiilan karaa inay ka soo saarto sharci, waqti xaddidan gudahiis, arrimo la isla meel dhigay. Sharciga xilsaarashada waa lagu tilmaami karaa mabaadi’da ama tusaaloooyinka in Dawladdu raacdo loo baahan yahay. 2. Sharciga Dawladda loo wakiishay waxaa lagu soo saarayaa xeer Madaxweyne-

Qod. 69aad (Sharciyada degdegga ah) 1. Markii ay jiraan duruuf gaar ahaaneed ee degdeg ah, Dawladdu waxay dejin kartaa sharci leh dhaqan ku meel gaar ah oo lagu soo saaro Xeer Madaxweyne. Muddo bil ah gudaheed waa in sharcigaas lagu hor geeyaa Golaha Shacbiga, ama Guddiga Joogtada ah, si looga dhigo mid rasmi ah. 2. Golaha Shacbigu, haddii uu kulansan yahay, ama Guddiga Joogtada ah, marka uusan Goluhu kulansaneyn, waa in ay go’aan ka gaaraan 15 maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda Sharciga la soo hordhigay

. Qod. 70aad (Mashruuc Sharci) Mashruuc Sharci waxaa soo jeedin kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, Guddiga Joogtada ah ama Dawladda. Waxaa kaloo soo jeedin kara xildhibaannada Golaha Shacbiga haddi ay soo jeedintaa isku raacaan saddex meelood meel xildhibaannada Goluhu.

Qod. 71aad (Sharciyada Saameynaya Istraateejiyada Xisbiga) Mashruuc sharci oo kasta ee saameynaya istraateejiyada Xisbigu ku xaqiijinayo himilooyinka Kacaanka iyo nidaamka uu Dalka ku hoggaaminayo waa in Golaha Dhexe ee Xisbigu soo oggolaadaa, inta aan Golaha Shacbigu go’aan kama dambeys ah ka gaarin.

Qod 72aad (Soo saaridda iyo faafinta Sharciga) 1. Sharci kasta ee Golaha Shacbiga ama Guddiga Joogtada ah isku raaco waxaa soo saaraya Madaxweynaha shaniyoafartan maalmood dhaxdood. 2. Madxaweynaha Jamhuuriyadda Dimoqradiga Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay, muddada ku xusan lambarka laad ee qodobkan dhexdeeda, in uu sharcigaas dib ugu celiyo Golaha Shacbiga, isagoo sababta raacmaya. Codsanayana in dib looga doodo, go’aanna laga gaaro3. Haddii Goluhu mar kale saddex meeloodoo laba xubnihiisa sharcigaas isku raaco, Madxweynuhu waa inuu ku soo saaraa shan iyo afartan maalmood gudahood. 4. Sharciga Goluhu isku raaco, Madaxweynuhuna soo saaro, waxaa lagu baahinayaa Faafinta Rasmiga ah, wuxuuna dhaqan galayaa 15 maalmood kaddib marka lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah, haddusan sharcigu muddo ka duwan sheegin.

Qod. 73aad (X i 1 d h i b a a n k a) 1. Xildhibaan kasta wuxuu masilayan danta guud ee Shacbiga Soomaaliyeed. 2. Xildhibaanku marka uu hawsha Golaha bilaabayo wuxuu marayaa dhaarta soo socota : «Waxaan magaca Ilaahey iyo kan Waddanka ku marayaa inaan ammaano, kalsoni iyo hagar la’aan ugu adeego Shacbiga Soomaaliyeed. Inaan f’uliyo mabaadi’ da Kacaanka 21ka 0ctoobar 1969. Inaan dhawro Dastuurka iyo Shuruucda Dalka. Inaan hirgeliyo mabaadi’da Hantiwadaagga, inaan ilaaliyo danta guud ee Shac biga iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed, inaan kartideyda oo dhan ku daafaco madaxbannaanida, gobannimada iyo midnimada Dalka, inaan danta guud ka hormariyo danteyda gaar ahaaneed, inaan dadka Soomaaliyeed ku dhaqo sinnaan iyo caddaalad». 3. Xildhibaanka dhibaato kama soo gaari karto fikradaha iyo aaraada uu ka hor dhiibto Golaha iyo Guddiyadiisa isagoo gudanaya xilkiisa4. Xildhibaanka Golaha laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed, lama xiri karo, lamana baari karo qof ahaan ama hoygiisa, haddaan lagu qaban isagoo dembi faraha kula jira, ama laga haysan oggolaasho Golaha Shacbiga, markuusan kulansaneenna Guddiga Joogtada ah isagoo dib uga ansaxinaya Golaha Shacbiga. 5. Xildhibaanka Goluhu wuxuu xilkiisa gudanayaa isagoo wata hawlihiisii hore ee caadiga ahaa- Inta ay socdaan kalfadhiyadu ama marka loo diro hawl la xiriirta xilka Golaha, Xildhibaanku wuxuu xaq u yeelanayaa gunno lagu xaddidi doono sharci gaar ah.

Qod. 74aad (Xil ka qaadidda Xildhibaanka) 1. Xildhibaan kasta ee oofin waaya shuruudaha Xildhibaannimada, ama ka soo bixi waaya waajibaadka xilkiisa la xiriira, waxaa laga qaadayaa xilka2. Xildhibaan kasta Dadweynihii soo doortay waa kala noqon karaan kalsoonidooda, waxaana codsigaas soo jeedin kara afar meelood meel doortayaasha. 3. Xil ka qaadidda Xildhibaanka waxaa hal dheeri xubnihiisa ku guddoominaya Golaha Shacbiga.

Qod. 75aad (Kormeeridda Golaha) 1. Xildhibaan kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu u jeediyo Dawladda ama Xubnaheeda su’aalo iyo afti oo ay waajib ku tahay inay ka jawaabaan labaatan maalmood gudahood. 2. Goluhu wuxuu amri karaa in baaris la sameeyo isaguu u xilsaaraya waajibkaas guddiyo ka kooban Xildhibaannadiisa. XUBINTA LABAAD GUDDIGA JOOGTADA AH

Qod. 76aad (Xilka Guddiga Joogtada ah) Guddiga Joogtada ah waa hay’adda hoggaamisa hawlaha Golaha, wuxuuna qabtaa xilka Golaha Shacbiga, muddada u dhexeysa kalfadhiyada, marka laga reebo awoodaha ku xusan

Qod. 67aad, lambarradiisa 1, 3, 7 iyo 8, iyo Qod. 82aad, lambarradiisa 3 iyo 12 ee Dastuurka. Qod. 77aad (Xubnaha Guddiga Joogtada ah) 1. Guddiga Joogtada ah wuxuu ka kooban yahay xubnaha soo socda : – Guddoomiye; – Guddoomiye Ku-xigeenno; – Xoghaye iyo – Toban xubnood. 2. Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacbiga ayaa noqonaya Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeennada Guddiga Joogtada ah.

Qod. 78aad (Awoodda Guddiga Joogtada ah) Guddiga Joogtada ah wuxuu leeyahay awoodaha soo socda: 1) Dejinta iyo wax ka beddelidda Sharciyada muddada u dhexeysa kalfadhiyada Golaha, isagoo kaddib ka ansaxinaya Golaha Shacbiga; 2.) Fasiraadda Sharciyada iyo go’aannada Goluhu soo saaro; 3) Isugu yeeridda kalfadhiyada iyo fadhiyada aan caadiga ahayn ee Golaha Shacbiga; 4) Ilaalinta maamulka doorashada Xildhibaannada Golaha Shacbiga; 5) Wax alla wixii awood ah ee Dastuurku siiyey ama Golaha Shacbigu u xil saaro. MADAXA LABAAD MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA

Qod. 79aad (Madaxa Qaranka) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa madaxa Qaranka, wuxuuna masilaa awoodda Qaranka iyo midnimada Shacbiga Soomaaliyeed.

Qod. 80aad (Doorashada iyo muddada xilka) 1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa soo sharraxaya Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, Golaha Shacbiga ayaana dooranaya. 2. Doorashada Madaxweynaha waa in ay isku raacaan saddex-meelood laba Xildhibaannada Golaha Shacbiga, aftida kowaad iyo labaad. Aftida saddexaad waxaa ku filan cod hal dheeri ah Xildhibaannada Golaha. 3. Golaha Shacbigu waa casili karaa Madaxweynaha isagoo raacaya hababka ku xusan lambarka koowaad iyo labaad ee Qodobkan. 4. Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu xilka haynayaa lix sano laga bilaabo maalinta la dhaariyo, dibna waa loo dooran karaa. 5. Marka uu hawsha bilaabayo, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu marayaa dhaarta ku xusan

Qod. 73aad ee Dastuurka. Qod. 81aad (Shuruudda Doorashada) Waxaa loo dooran karaa jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya qof kastoo Soomaali ah, aabihii iyo hooyadiina Soomaaali asal ah yihiin, horey aan u guursan, intuu xilka hayana guursanin, qof aan Soomaali asal ah ahayn, lehna shuruudaha lagu dooran karo xildhibaanka Golaha Shacbiga, da’diisuna gaartay afartan sano.

Qod. 82aad (Awoodda iyo Hawlaha Madaxweynaha) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya awoodaha iyo hawlaha Dastuurka iyo Sharciyadu siinayaan waxaa u wehliya kuwa soo socda : 1. Masilaadda xiriirka Qaranku la leeyahay dibedda; 2. Masilaadda midnimada hoggaanka siyaasadeed ee Xisbiga iyo Qaranka; 3. Meelmarinta heshiisyada caalamiga ah ee saameynaya difaaca iyo nabadda, qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda, kaddib marka ay oggolaadaan Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Golaha Shacbiga; 4. Meelmarinta heshiisyada kale ee caalamiga ah; 5. Qaabilaadda iyo aqoonsiga danjirayaasha iyo madaxda ergooyinka shisheeyaha; 6. Guddoominta shirarka ay u wada jiraan hay’adaha Xisbiga iyo kuwa Qaranku; 7. Magacaabidda iyo xil ka wareejinta Wasiirrada iyo Wasiirro Ku-xigeennada; 8. Magacaabidda iyo xil ka wareejinta Guddoomivaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka isagoo dhegeystay talada Golaha Dhexe ee Xisbiga; 9. Magacaabidda iyo xil ka qaadidda saraakiisha sare ee Qaranka, isagoo dhegeystay talada Golaha Wasiirrada; 10. Inuu bixiyo masaabax, ciqaabtana dhimo; 11. Waa Tally aha Sare ee Ciidammada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Qaranka; 12. Ku dhawaaqidda xaaladaha dagaalka iyo nabadda, kaddib marka ay go’aamiyaan Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Golaha Shacbigu; 13. Inuu dadweynaha u bandhigo afti markii ay Dalka la soo gudboonaadaan arrimo muhiim ah; 14. Inuu soo saaro xeerar Madaxweyne; 15. Bixinta billadaha iyo aqoonsiyada mudnaanta ee kale.

Qod. 83aad (Awoodda aan caadiga ahayn ee Madaxweynaha) 1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay, isagoo la tashaday Guddiga Difaaca Qaranka, inuu xukun degdeg ah ku soo rogo, tilaabo kasta oo ku habboonna ka qaado, Dalka guud ahaantiis ama qayb ka mid ah, marka ay la soo gudboonaadaan arrimo khatar gelinaaya qarannimada, nabadgelyada gudaha ama dibedda ee Dalka, ama markasta oo ay jirto baahi lagama maarmaan ah. 2. Xaaladaha dagaalka, Madaxweynuhu wuxuu la wareegayaa awoodda Dalka oo dhan, ku dhaqanka qodobbada Dastuurka ee aan la socon karin xaaladahaasna waa la laalayaa.

Qod. 84aad ( Madaxweyne Ku-xigeen ) 1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya wuxuu magacaabi karaa Madaxweyne Ku-xigeen ama Madaxweyne Ku-xigeenno, isagoo dhegeystey ra’yiga Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Golaha Shacbiga. 2. Madaxweyne Ku-xigeenku marka uu hawshiisu bilaabayo, wuxuu marayaa dhaarta ku xusan Qod.73aad ee Dastuurka. Qod. 85aad (Xil gudasho karid la’aan) 1. Marka ay geeri ku timaaddo, ama shaqo ka fariisad, ama sabab joogto ah ee ka reebeysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya inuu xilkiisa guto, waxaa la dooranayaa Madaxweyne cusub lixdan casho gudahood, iyadoo la raacayo habka ku xusan Qodobka 80aad ee Dastuurka. 2. Inta ay doorashada Madaxweynaha cusub ka dhacayso iyo markastoo ay jiraan sababo aan joogto ahayn ee ka reebaya Madaxweynaha inuu guto xilkiisa, waxaa jagadiisa sii haynaya Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Jamhuuriyadda. MADAXA SADDEXAAD DAWLADDA XUBINTA KOOWAAD MAAMULKA DAWLADDA DHEXE

Qod. 86aad (Golaha Wasiirrada) 1. Golaha Wasiirradu waa hay’adda ugu sarreysa fulinta maamulka Dawladda. 2 Golaha Wasiirradu wuxuu ka kooban yahay Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada iyo Wasiirrada. 3. Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada waxaa noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. 4. Madaxweynuhu wuxuu magacaabi karaa, haddii ay la habboonaato, Wasiir Koowaad.

Qod.87aad (AwooddaGolaha Wasiirrada) Awoodaha Dastuurka iyo Sharcigu siinayo ka sokow, Golaha Wasiirradu wuxuu leeyahay awoodaha soo socda : 1. Inuu hor dhigo Golaha Shacbiga talooyin sharci; 2. Inuu jiheeyo, iskuna duwo, kormeerana hawlada Dawladda; 3. Inuu soo saaro xeerar; 4. Inuu hoggaamiyo hawlaha la xiriira difaaca iyo nabadgelyada Qaranka; 5. Inuu diyaariyo miisaaniyadda sannadka iyo xisaab xirkeeda; 6. Inuu dejiyo qorshaha lagu horumarinaayo dhaqaalaha Dalka; 7. Inuu la galo heshiisyo waddammada dibedda iyo hay’adaha caalamiga ah; 8. Inuu qaado tallaabo kastoo uu ku ilaalinaayo danta Qaranka iyo nabadgelyada dadweynaha, isagoo dhowraya xadka Dastuurku u gooyey awooddiisa.

Qod. 88aad (Nidaamka Dawladda) 1. Awoodaha iyo xilka Golaha Wasiirrada ee aan Dastuurkan ku xusneyn, tirada iyo xilka wasaaradaha, waxaa lagu caddeynayaa sharci gaar ah. 2. Habka dhismaha Golaha Wasiirrada, Wasaaradaha iyo Xafiisyada la xiriira, waxaa lagu nidaaminayaa Xeer Madaxweyne.

Qod. 89aad (Mas’uuliyadda ciqaabeed eeWasiirrada) 1. Wasiirradu waxay mas’uul ka yihiin dembiyada ka dhasha fulinta xilkooda. 2. Shariciga ayaa tilmaamaya habka Wasiirrada loogu qaadayo dembiyada ka dhasha fulinta xilkooda iyo dembiyada kaleba. Qod. 90aad (D h a a r t a) Xubnaha Dawladda, marka ay xilkooda billaabayaan, waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda hortiisa ku marayaan dhaarta ku xusan

Qod. 73aad ee Dastuurka. Qod. 91aad (Barnaamijka Dawladda) Dawladdu magacaabiddeeda kaddib, waxay Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Golaha Shacbiga soo hordhigeysaa barnaamijka ay dooneyso inay hirgeliso.

Qod. 92aad (Wasiirro Ku-xigeenno) Wasiirrada waxaa xilkooda ku kaalin kara Wasiirro Ku-xigeenno uu magacaabo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isagoo dhegeystay talada Golaha Wasiirrada. XUBINTA LABAAD BAAHINTA AWOODDA IYO MAAMULKA DALKA Qod. 93aad (Fidinta Maamulka) Xilka maamuleed ee Qaranka waxaa lagu fidinayaa, inta ay suurta gal tahay, maamulka hoose iyo wakaaladaha.

Qod. 94aad (Maamulka Hoose ee Qaranka) 1. Awoodda maamulka hoose waa qayb ka mid ah awoodda Maamulka Dhexe ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. 2. Sharciga ayaa u nidaaminaya awoodda maamulka hoose, si waafaqsan mabda’a dimoqraadiyadda guddoonka dhexe.

Qod. 95aad (Golayaasha Shacbiga ee Degaanka) 1. Dadweynuhu si toos ah ayuu u dooranayaa Xubnaha Golayaasha Shacbiga ee Degaanka . 2. Sharcigu wuxuu tilmaamayaa dhismaha, awoodda, ilaha dhaqaale iyo xiriirka Golayaasha Shacbiga ee Degaanku la leeyihiin Xisbiga, Golaha Shacbiga iyo Dawladda. MADAXA AFRAAD GARSOORKA XUBINTA KOOWAAD MABAADI’DA GARSOORKA Qod. 96aad (Ujeeddada Garsoorka) 1. Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalintu waxay ilaalinayaan nidaamka Qaranka Hantiwadaagga ah iyo dhismihiisa bulsho. 2. Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalintu gudashada xilkooda, waxay ku barbaariyaan muwaadinka Soomaaliyeed inuu ka qayb qaato dhismaha Dalka, difaaca nidaamka Hantiwadaagga, dhawrista sharciyada, habka wada noolaashada bulshadeed iyo daacadnimo u gudashada waajibaadka Qaranka iyo Bulshadu ku leeyihiin. 3. Garsooruhu wuxuu sugaa dhawridda sharciyada, wuxuuna kafaalo qaadaa ilaalinta xorriyadda, xuquuqda iyo nolosha muwaadinka, danaha iyo sharafta qofka aadadamiga ah.

Qod. 97aad (Midnimada Garsoorka) Garsoorka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa mid mideysan.

Qod. 98aad (Madaxbannaanida Garsoorka) Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo xeer-Ilaaliyayaashu waa u madax bannaan ythiin hawshooda, lagama qaadi karo xilka, xaaladaha Sharcigu tilmaamay mooyaane, waxayna u hoggaansamayaan Sharciga oo keliya.

Qod. 99aad (Doodaha Maxkamadaha) 1. Doodaha Maxkamaduhu, mabda’ ahac.n, waa tiraab, dadweynuhuna waa dhegeysan karaa. Sharciga ayaa tilmaamaya xaaladaha Maxkamadaha albaabka loo xiri karo. 2. Xukunka Maxkamadaha waxaa lagu soo saarayaa Magaca Dadweynaha Soomaaliyeed. XUBINTA LABAAD MAXKAMADAHA

Qod. 100aad (Maxkamadaha Jamhuuriyadda) 1 Maxkamadaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa kuwa soo socda: Maxkamadda Sare, Maxkamadaha Rafcaanka, Maxkamadaha Gobollada. Maxkamadaha Degmooyinka, Guddiyada Garsoorka ee goobaha shaqada iyo Maxkamadaha Ciidammada Qalabka Sida. 2 Waxaa la dhisi karaa Maxkamado gaar ah ee awooddooda iyo dhismahooda lagu jideeyey Sharci. 3 Guddiyada Garsoorka ee Maxkamadaha waxaa ka qayb gala Garsoorayaal dadweyne ee Sharci gaar ah lagu dhisay.

Qod. 101aad (Maxkamadda Sare) Maxkamadda Sare waa hay’adda ugu sarreysa Garsoorka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Waxay habeysaa. Kormeertana hawlaha Maxkamadaha oo dhan. Qod. 102aad (Habka shaqada Maxkamadaha) Habka shaqada Maxkamadaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya iyo magacaabidda Garsoorayaasha waxaa nidaaminaya sharci gaar ah. XUBINTA SADDEXAAD (XEER ILAALINTA)

Qod.103aad (Xeer Ilaalinta Guild ee Qaranka) 1. Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranku waxay ka kooban tahay: Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Kuxigeennadiisa. 2. Qaabka Dhismaha Xeer Ilaalinta Guud iyo Hawlaha Xubnahaheeda waxaa nidaaminaayaSharci gaar ah.

Qod. 104aad (Xilka Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka) 1. Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranku waxay ilaalisaa ku dhaqanka dhabta ah ee Sharciyada Dalka. 2. Waxay hubisaa in go’aannada, awaamirta iyo tusaalooyinka Hay’adaha Qaranku waafaqsan yihiin Dastuurka iyo Sharciyada Dalka. 3. Waxay dacwad ku oogtaa qofkii gala fal dembi ah. 4. Waxay kormeertaa Xabsiyada iyo xarumaha dib u edbinta carruurta. 5. Waxay ilaalisaa xuquuqda Dadka tabarta yar. 6. Waxay fulisaa hawlihii kale ee Sharcigu u xilsaaro. XUBINTA AFRAAD GOLAHA SARE EE GARSOORKA

Qod. 105aad (Xilka Golaha Sare ee Garsoorka) 1. Golaha Sare ee Garsoorku waa hay’adda hoggaamisa siyaasadda iyo maamulka Guud ee Garsoorka. 2. Golaha Sare ee Garsoorku wuxuu talo ka dhiibtaa masaabaxa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu bixiyo, magacaabidda, beddelka, dallacaadda iyo shaqo ka fariisinta Garsoorayaasha iyo Xeer Ilaaliyaasha. 3. Wuxuu kormeeraa hawlqabadka iyo anshaxa Garsoorayaasha iyo Xeer Ilaaliyayaasha. 4. Dhismaha Golaha Sare ee Garsoorka iyo habka shaqadiisa waxaa nidaaminaya sharci gaar ah.

Qod. 106aad (Guddoominta Golaha .Sare ee Garsoorka) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqqraadiga Soomaaliya ayaa ah Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka. XUBINTA SHANAAD MAXKAMADDA DASTUURKA

Qod. 107aad (Dastuuriyadda Shuruucda) 1. Waxaa jireysa Maxkamad Dastuur oo awood u leh in ay go’aan ka gaarto dastuuriyadda shuruucda. 2. Maxkamadda Dastuurku vvaxay ka koo bantaa Maxkamadda Sare oo ay kaabayaan Xubno ka tirsan Golaha Shacbiga ee uu magacaabo Madaxweynuhu, isagoo dhegeystay talada Guddiga Joogtada ah. 3. Habka shaqada, tirada xubnaha iyo muddada xilka ee Maxkamadda Dastuurka vvaxaa nidaaminaya sharci gaar ah QAYBTA SHANAAD DIFAACA IYO NABADGELYADA DALKA

Qod. 108aad (Xilka Ciidammada Qalabka Sida) 1. Cildammada Qalabka Sida waxay ilaaliyaan gobannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, waxay guulaha iyo miraha Kacaanka ka ilaaliyaan cadawga gudaha iyo kan dibedda, waxay sugaan nabadgelyada iyo xasilloonida gudaha, kaalin ka qaataan dhisdhismaha Dalka. 2. Qaranku wuxuu xoojinayaa awoodda iyo aqoonta farsamo ee Ciidammada Qalabka sida, kor u qaadidda garaadkooda siyaa sadeed, ku beeridda ruuxa waddaninimo iyo naf u huridda Dhulka Hooyo.

Qod. 109aad (Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida) Sharci gaar ah ayaa tilmaamaya dhismaha iyo qaabka ay u habeysan yihiin Ciidammada Qalabka Sida.

Qod. 110aad (Guddiga Difaaca Qaranka) 1. Guddiga Difaaca Qaranka xilkiisu wuxuu yahay inuu qiimeeyo Xaaladaha la xiriira difaaca iyo nabadgelyada Dalka, gurmadiyana wax kasta oo waxtar u leh haqabtirka baahida difaaca Dalka. 2. Guddiga Difaaca Qaranka waxaa Guddomiye ka ah magacaabana xubnihiisa kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. 3. Sharciga ayaa tilmaamaya awoodda Guddiga Difaaca Qaranka waqtiga nabadda iyo dagaalkaba. QAYBTA LIXAAD QODOBBO KALA DUWAN

Qod. 111aad (Saldhigga Shuruucda ) 1. Dastuurku wuxuu leeyahay awoodda sharci ee ugu sareeysa2. Dhammaan Shuruucda, Xeerarka iyo awaamirta hay,adaha Qaranka waxaa saldhig u ah Dastuurka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, waana in ay waafaqsanaadaan.

Qod. 112aad (Wax ka baddelka Dastuurka) 1. Talo wax ka beddel Dastuurka waxaa soo jeedin kara: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, Golaha Dhexe ee Xisbiga ama saddex meelood meel Xildhibaannada Golaha Shacbiga. 2. Golaha Shacbigu wax ka beddelka Dastuurka wuxuu ku guddoominayaa go’aan ay isku raacaan saddex meelood laba xubnahiisa. 3. Wax ka beddelka Dastuurka ma saameyn karo arrimaha soo socda: a) Nidaamka Jamhuuriyadnimada ee Dalka; b) Doorashada mabda’a Hantiwadaagga; t) Midnimada dhulka; j) Xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee muwaadinka iyo qofka.

Qod. 113aad (Ku Dhaqan ku meel gaar ah) 1. Sharciyada hadda jira waa lagu sii dhaqmayaa, iyadoo intooda aan Dastuurka wafaqsaneyn lagu beddeli doono hal sano gudaheeda. 2. Ilaa iyo inta laga dhisaayo hay’adaha Dastuurkani tilmaamayo, awoodahoodii waxaa sii fulinaya hay’adaha imminka Dalka ka jira.

Qod. 114aad (Dhaqangalka Dastuurka) Dastuurku wuxuu dhaqan galayaa laga bilaabo maalinta la soo saaro natiijada aftida oggolaashaha Shacbiga TUSMADA DASTUURKA JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA 1979 GOGOLDHIGGA DASTUURKA DASTUURKA JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA QAYBTA KOOWAAD Mabaadi’ guud XUBINTA KOOWAAD Jamhuuriyadda Qod. 1aad: Qaranka Soomaaliyeed Qod. 2aad: Calanka, Astaanta iyo Magaalo-madaxda Qod 3aad: Diinta iyo Afka Qod. 4aad: Midnimada Shacbiga Soomaaliyeed Qod 5aad: Dhulka Qaranka Qod. 6aad: Sumaanta Muwaadiminta XUBINTA LABAAD XISBIGA Qod. 7aad: Awoodda iyo hoggaaminta Xisbiga Qod.8aad: Midnimada hoggaanka dalka Qod.9aad: Doodaha, go’aanka iyo fulinta Qod l0aad: Iskaabidda wa’ajibaadka Xisbiga iyo Qaranka Qod. 11aad: Xeerka Xisbiga Qod.12aad: Ururrada, Bulshada Qod. 13aad: Awoodda iyo waajibaadka Ururrada Bulshada Qod. 14aad: Diimooqraadiyadda Guddoonka Dhexe XUBINTA SADDEXAAD SIYAASADDA DIBEDDA Qod.15aad: Mabda’a Aayakatalmta Qod.16aad: Dalalka Soomaaliyeed ee la gumeysto Qod.17aad: Siyaasadda dex-dhexaadka iyo nabad-kuwadanoolaashada Qod. 18aad: Siyaasadda wax-wada-qabsiga Qod. 19aad: Qaanuunka Dawliga ah

QAYBTA LABAAD XUQUUQDA, XORRIYAADKA IYO WAAJIBAADKA ASAASIGA AH EE MUWAADINKA IYO QOFKA Qod 20aad: Xuquuqda siyaasiga, dhaqaalaha, bulshada iyo hiddaha Qod. 21aad: Xaqa shaqada Qod. 22aad: Xaqa doorashada Qod. 23aad: Xaqa tacliinta Qod 24aad: Xorriyadda bannaanbaxa, faafinta qoraallada iyo ra’yiga Qod 25aad: Xaqa nolosha iyo nabadgelinta qofka Qod. 26aad: Xorriyadda qofnimo Qod 27aad: Nabadgelinta qofka xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado Qod. 28aad: Lahaanshaha gaar ahaaneed Qod. 29aad: Xurmada hoyga Qod. 30aad: Xorriyadda isgaarsiinta Qod. 31aad: Xorriyadda diinta) Qod 32aad: Xaqa dacwada iyo isdifaaca Qod. 33aad: Mas’uuliyadda ciqaabta Qod. 34aad: Dib u noqosho la’aanta Sharciga Ciqaabta Qod. 35aad: Isucelinta eedeysanaha ama dembiilaha iyo magangelyada siyaasadeed Qod. 36aad Ilaalinta hantida guud Qod. 37aad: Ka qaybgalba kobcinta dhaqaalaha Dalka Qod. 38aad: Difaaca Dalka Hooyo Qod 39aad: Dhowrista Dastuurka iyo Shuruucda

QAYBTA SADDEXAAD SALDHIGGA DHAQAN DHAQAALE XUBINTA KOOWAAD DHAQAALAHA . Qod. 40aad: Horumarinta dhaqaalaha Qod. 41aad: Qaybaha dhaqaalaha Qod 42aad: Kharyraadka dhulka iyo badda Qod. 43aad: Qorshaha dhaqaalaba Qod. 44aad: Ganacsiga dibedda iyo gudaha Qod. 45aad: Ilaalinta lacagta XUBINTA LABAAD HORUMARINTA TACLIINTA, CILMIGA IYO ADABKA Qod. 46aad: Tacliinta Qod. 47aad: Tacliinta khasabka ah Qod. 48aad: Ciribtirka jahliga Qod 49aad: Horumarinta cilmiga iyo adabka Qod 50aad: Dhailinyarada iyo ishoortiga XUBINTA SADDEXAAD DHAQANKA IYO DARYEELKA BULSHADA Qod. 51aad: Horumarinta hiddaha iyo dhaqanka Qod.52aad: Caadooyinka Bulshada Qod.53aad: Xannanada Dhallaanka Qod. 54aad: Horumarinta Miyiga Qod 55aad: Caafimaadka Qod. 56aad: Daryeelka Qoyska Qod 57aad: Shaqada iyo Shaqaalaha Qod. 58aad: Qiimeynta Shaqada Qod. 59aad: Taakuleynta iyo badbaadinta Bulshada

QAYBTA AFRAAD QAABKA DHISMAHA QARANKA MADAXA KOOWAAD GOLAHA SHACBIGA Xubinta Koowaad NIDAAMKA IYO HAWLAHA GOLAHA SHACBIGA Qod. 60aad: Awoodda sharci dejinta Qod. 61aad: Doorashada Golaha Shacbiga Qod 62aad: Muddada xilka Qod 63aad: Kala diridda Gotaha Shacbiga) Qod. 64aad: Kalfadhiyada) Qod. 65aad: Fadhiyada iyo go’aannada Golaha) Qod 66aad: Xeer Hoosaadka Golaha Qod. 67aad: Awoodaha Golaha Qod.68aad: Xilsaarasho Sharci dejin Qod. 69aad: Sharciyada degdegga ah Qod. 70aad: Mashruuc Sharci Qod. 71aad: Sharciyada Saameynaya Istraateejiyada Xisbiga Qod 72aad: Soo saaridda iyo faafinta Sharciga Qod. 73aad: X i 1 d h i b a a n k a Qod. 74aad: Xil ka qaadidda Xildhibaanka Qod. 75aad: Kormeeridda Golaha XUBINTA LABAAD GUDDIGA JOOGTADA AH Qod. 76aad: Xilka Guddiga Joogtada ah Qod. 77aad: Xubnaha Guddiga Joogtada ah Qod. 78aad: Awoodda Guddiga Joogtada ah MADAXA LABAAD MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA Qod. 79aad: Madaxa Qaranka Qod. 80aad: Doorashada iyo muddada xilka Qod. 81aad: Shuruudda Doorashada Qod. 82aad: Awoodda iyo Hawlaha Madaxweynaha Qod. 83aad: Awoodda aan caadiga ahayn ee Madaxweynaha Qod. 84aad: Madaxweyne Ku-xigeen Qod. 85aad: Xil gudasho karid la’aan MADAXA SADDEXAAD DAWLADDA XUBINTA KOOWAAD MAAMULKA DAWLADDA DHEXE Qod. 86aad: Golaha Wasiirrada Qod.87aad: AwooddaGolaha Wasiirrada Qod. 88aad: Nidaamka Dawladda Qod. 89aad: Mas’uuliyadda ciqaabeed eeWasiirrada Qod. 90aad: D h a a r t a Qod. 91aad: Barnaamijka Dawladda Qod. 92aad: Wasiirro Ku-xigeenno XUBINTA LABAAD BAAHINTA AWOODDA IYO MAAMULKA DALKA Qod. 93aad: Fidinta Maamulka Qod. 94aad: Maamulka Hoose ee Qaranka Qod. 95aad: Golayaasha Shacbiga ee Degaanka

MADAXA AFRAAD GARSOORKA XUBINTA KOOWAAD MABAADI’DA GARSOORKA Qod. 96aad: Ujeeddada Garsoorka Qod. 97aad: Midnimada Garsoorka Qod. 98aad: Madaxbannaanida Garsoorka Qod. 99aad: Doodaha Maxkamadaha XUBINTA LABAAD MAXKAMADAHA Qod. 100aad: Maxkamadaha Jamhuuriyadda Qod. 101aad: Maxkamadda Sare Qod. 102aad: Habka shaqada Maxkamadaha XUBINTA SADDEXAAD (XEER ILAALINTA) Qod.103aad: Xeer Ilaalinta Guild ee Qaranka Qod. 104aad: Xilka Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka XUBINTA AFRAAD GOLAHA SARE EE GARSOORKA Qod. 105aad: Xilka Golaha Sare ee Garsoorka Qod. 106aad: Guddoominta Golaha .Sare ee Garsoorka XUBINTA SHANAAD MAXKAMADDA DASTUURKA Qod. 107aad: Dastuuriyadda Shuruucda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.