Home Afsomali Aqalka sare ee Mareykanka oo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymihii loo...

Aqalka sare ee Mareykanka oo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymihii loo heystay Madaxweyne Trump

Aqalka Senate-ka Mareykanka ee uu hoggaamiyo xisbiga Jamhuuriga ayaa cod u qaaday kaddibna laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye Donald Trump.

Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baaritaanka congress-ka.

Aqalka Senate-ka ayaa dhageystay qareennada ka socday aqalka wakiiladda iyo waliba qareennada difaacayay madaxweyne Trump, waxaana maanta oo Arbaco ah ay cod u qaadeen labada qodob.

52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.

53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.

​Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii “HAA” ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda, iyadoo go’aanka aqalka Senate-ka uu soo afjaray dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.