Home Afsomali Digniin Caafimaad iyo Talooyinka Badqab ee CPJ: Tebinta wararka fayraska Corona

Digniin Caafimaad iyo Talooyinka Badqab ee CPJ: Tebinta wararka fayraska Corona

Talooyinka Badqab ee CPJ: Tebinta wararka
fayraska Corona
Waxaa la cusbooneysiiyay 17-kii Maarso, 2020
Cudurka COVID-19 (sidoo kalena loo yaqaan fayraska Corona) ayaa hadda gaaray
dhammaan qaaradaha adduunka, marka laga reebo tan Antarctica, sida lagu sheegay xog
laga helay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).
31-kii Janaayo 2020, WHO ayaa shaacisay in cudurka uu yahay Xaalad Degdeg ah oo soo
Wajahday Caafimaadka Dadweynaha Walaacna ku ah Caalamka, waxaana 28-kii Febraayo
ay sare u qaaday khatarka caalamiga ah ee cudurka oo waxa ay ka bedashay xaaladdaasi
mid “saraysa” iyadoo u bedashay “mid aad u sarreysa”, kadibna 11-kii Maarso ay shaacisay
in cudurku yahay saf-mar, sida ay tebiyeen warbaahinta caalamka.
Dalal badan oo caalamka ah ayaa soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah, halka qaarna ay
bandow geliyeen dalalkooda sida lagu sheegtay bartaTrip.com. Khariirad si joogta ah loo
cusbooneysiiyo oo ay WHO ku muujinayso sida uu cudurka ugu faafay caalamka ayaa laga
heli karaa halkan.
Iyadoo ay si aad ah isu bedalayso xaaladda, ayna soo baxayaan macluumaad cusub, ayaa
hay’adaha ay khuseyso waxa ay soo saarayaan talooyin joogta ah oo ku saabsan cudurka.
Sida ay ula socdaan wararkii ugu dambeeyay, waa in weriyayaasha tebinaya cudurka ay
isha ku hayaan wararka ay soo saaraan saraakiisha caafimaadka maxalliga ah,
WHO,Xarunta Xakameynta Cudurrada(CDC) ee fadhigeedu yahay Maraykanka, iyo
Caafimaadka Dadweynaha England (PHE).
Waa in weriyayaasha qorsheynaya inay ka warramaan cudurka COVID-19 ay
maanka ku hayaan macluumaadka soo socda ee ku aaddan badqabkooda, isla
markaana ay si joogta ah ula socdaan xaaladdaha ugu dambeeyay iyo xayiraadaha
jira. Waa inaad ogaato in hawl kasta oo aad u baxdo, gudaha ama dibeddaba, ay si
lama filaan ah isu bedali karto, maadaama ay xaaladdu tahay mid aan weli saldhigan.
Kahor- Hawsha
• Sida ay sheegtay xarunta CDC, dadka da’da ah iyo shakhsiyaadka qaba xaaladaha
caafimaad ayaa loo arkaa inay khatar weyn ugu jiraan cudurka. Haddii aad kamid
tahay dadkaasi, waa in aaddan ka qeyb qaadan hawsha loo baxayo. Sidoo kale waa
in tixgelin gaar ah oo looga reebayo hawsha la siiyo dumarka shaqaalaha ah ee
xaamilka ah.
• Waxaa jira dhacdooyin dad si gaar ah loogu beegsaday heybtooda, sida ay sheegtay
barta BuzzFeed, taasoo ah arin tixgelin mudan marka shaqaalaha loo dirayo hawsha.
Waa in sidoo kale laga fekero heerarka sii kordhaya ee colaadda iyo naceybka.
• Si joogta ah ula soco waxa ka soo kordha munaasabada aad ka qeybgalayso, adigoo
maanka ku haya in dalal badan ay mamnuuceen kulanka dadka ay tiradoodu ka
badan tahay qiyaas cayiman.
• Iska jir macluumaadka khaldan, oo ah arin ay si gaar ah uga digtay hay’adda WHO
ayna iftiimisay BBC-da. Waxaad barta WHO ka heli kartaa hagaha ka hortagga
khuraafaadka ee cudurka.
• Haddii ay suurtagal tahay in aad u safarto dal uu saameeyay cudurka, iska hubi in
dhammaan tallaalka saxda ah aad u qaadato halka aad u socoto. Ka feker in aad
qaadato tallaalka hergabka si aad uga gaashaamato ka shakinta calaamadaha
cudurrada kugu dhici kara.
• Kala hadal madaxdaada qorshayaasha u yaalla ee ay kugu caawin karaan haddii aad
xanuunsato inta ay socoto hawsha, adigoo maanka ku haya suurtagalnimada iskarantiilidda, ama/iyo in lagu karantiilo/aad gasho deegaan bandow ah.
• Ka feker waxyaabaha aad u baahan tahay inaad qaadato. Waxaa la sheegay in
alaabaha qaar laga waayay suuqyada, iyadoo ay dadku xawli u iibsadeen, sida
maaskaraha wejiga, dareeraha gacmaha lagu dhaqdo, saabuunta, cuntada
gasacadeysan iyo xaanshiyaha suuliga.
• Baaritaan ku samee xaaladdii ugu dambeysay ee amniga meesha aad u socoto. Ilaa
iyo hadda, waxaa kiisas kooban oo rabshado ah laga soo sheegay Qubrus, jasiiradda
Reunion iyo Ukraine, halka dibedbaxyada ka socda Ciraaq and Hong Kong uu uga sii
daray cudurka COVID-19.
• Ka feker saameynta maskaxeed ee ay kugu yeelan karto in aad ka soo warranto
deegaannada uu saameeyay cudurka COVID-19, gaar ahaan haddii aad ka soo
warrameyso xarun caafimaad ama mid karantiil, ama deegaan la karantiilay.
Macluumd muhiim u ah shaqaalaha warbaahinta ee ka warrama xaaladaha murugta
leh ayaa waxaad ka heli kartaa xarunta DART ee saxaafadda iyo shoogga.
• Waxaa suurtagal ah in xubnaha qoyskaaga ay ka murgaan hawlaha noocaasi ah. Kala
hadal khatarta iyo walaaca ay qabaan. Haddii loo baahdo isku xir xubnaha
qoyskaaga iyo la-taliyayaasha caafimaadka ee hay’adaada si ay u wadahadlaan.
Ogow in hay’adaha qaar ay sare u qaadeen diyaargarowga ku aaddan sidii ay usoo
daadgureyn lahaayeen shaqaalaha ka jooga dalalka uu cudurka saameeyay.
Amniga Dijitaalka
• Fiiro gaar ah u yeello amnigaaga dijitaalka ah, oo maanka ku hay in kooxaha u dhaca
xogta dijitaalka ah la sheegay inay dadka ku beegsanayaan farriimo la xiriira COVID19, sida ay sheegtay Norton, oo ah shirkad ka shaqeysa amniga internet-ka.
• Iska jir apps-ka dadka lagu beegsado in looga qaato lacag madax furasho ah, ayna
kamid tahay app-ka COVID-19 Tracker
• Taxadar badan muujiyo marka aad ku dhufanayso lifaaqyada ku saabsan COVID-19
ee baraha bulshada, kuwaasoo qaarkood ay ku geyn karaan website-yo fayras ku
shubi kara aaladdaada.
• Ku baraarugsanow khatarta ka dhalan karta ka warramida ama ka soo warramidda
dalalka dowladahoodu ay diktaatooriga yihiin, kuwaasoo ay u badan tahay inay isha
ku hayaan wararka ku saabsan cudurka COVID-19. Waxaa suurtagal ah in
dowladaha qaar ay isku-dayaan inay qariyaan xajmiga cudurka, ay faafreebaan
warbaahinta, ama/iyo ay tallaabooyin adag ka qaadaan dadka sheega wararka aysan
rabin.
• Waxaa dhici karta in weriyayaasha ay la kulmaam daba-dhigasho dhanka online-ka
ah oo la xiriirta warbixinnada ay ka diyaariyaan COVID-19, gaar ahaan baraha
bulshada.
Qorsheynta Safarka
• Iska hubi caymiskaaga safarka. Dowladaha qaar ayaa soo saaray heerar kala duwan
oo ah talooyin ku aaddan safarka iyo digniin khuseysa u safridda dalal ay tiradoodu
sii kordhayso. Waxaa kamid ah Xafiiska Britain u Qaabilsan Arimaha Dibedda iyo
Dalalka Barwaaqa-sooranka, Waaxda Arimaha Dibedda ee Maraykanka, iyo tan
Arimaha Dibedda ee Faransiiska. Maanka ku hay in aysan sahlanaan doonin in aad
safarto haddii aadan haysan caymiska caafimaad ee COVID-19.
• Eeg inay jiraan xayiraad dhanka safarka ah oo saaran ama lagu soo rogi rabo halka
aad u socoto. Waxay u badan tahay in mamnuucid dheeraad ah ama xayiraad ku
aaddan ajaanibta ay dalalka qaar soo kordhiyaan.
• Xaqiiji in aad samaysatay qorshe aad noolashaada ku maareyn karto haddii ay
dhacdo in magaalo, gobol ama dalka oo dhan la geliyo xaalad degdeg ah ama
karantiil, taasoo inta badan ku dhacda si dhaqso ama lama filaan ah.
• Maanka ku hay in xuduuddo badan oo dhulka ah ay xirmayaan. Waxaa suurtagal ah
inay dalal badan sidaa sameeyaan, taasoo mudan inaad ku darsato qorshaha.
• Ha safrin haddii aad xanuunsan tahay. Inta badan garoomada caalamiga ah iyo kuwa
heer gobol, iyo sidoo kale marinnada laga galo dalalka ayaa hirgeliyay qaabab lagu
baaro caafimaadka qofka. Dadka safraya ayay u badan tahay in caafimaad ahaan la
baaro ama lagu qasbo karantiil ama inay is-karantiilaan marka ay gaaraan
dalalkaasi.
• Waa inaad iibsato tikidho lacagtooda si buuxda laguugu soo celin karo. COVID-19
ayaa diyaarado badan u horseeday dhibaato dhaqaale, sida ay sheegtay hay’adda
IATA, waxaana la sheegay in cudurka uu gacan ka geystay musallafiddii dhawaan ku
dhacday shirkaddii ugu weyneyd Yurub ee FlyBe.
• Maanka ku hay in todobaadyadii dambe uu si weyn u yaraaday isu socodka
caalamka maadaama diyaaraddo badan ay baajiyeen duulimaadyo ay meelo kala
duwan ku tegi lahaayeen. Tallaabooyinka noocan ah ayaa la filayaa inay bataan
maadaama kiisaska COVID-19 ay ku badanayaan dalalka kale.
• Eeg xaaladda dal-ku-galka ee waddanka aad u socoto, maadaama dalal badan ay
xannibeen dal-ku-galyo ay horay u bixiyeen.
• Hubi in dalka aad u socoto uu kaaga baahan yahay shahaado caafimaad oo
xaqiijineysa in aadan qabin cudurka COVID-19. Tusaalayaal ayaa halkan laga eegi
karaa
• Waqti ku filan u qoondee garoomada diyaaradaha, adigoo ka fekeraya mudada ay
qaadan karaan tallaabooyinka hubinta caafimaadka iyo goobaha cabirka heer-kulka.
Waa in sidaa oo kale aad samayso haddii aad raaceyso tareenka, markabka ama
basaska magaalooyinka u kala goosha.
• Si dhaw ula soco isbedallada ka soo cusboonaada dalka aad u socoto. Dalalka qaar
sida Sacuudi Carabia and Ruushka waxa ay ajaanibta qaarkood u oggol yihiin inay ka
degaan garoomo iyo marinno khaas ah.
• Si joogta ah isha ugu hay warbaahinta maxalliga ah si aad ula socoto xadidaada
magaalooyinka dhexdooda ah ee dalka aad booqaneyso.
Iska Ilaali Caabuqa
• Dalal badan ayaa hadda ku dhaqma nidaamka kala fogaanshaha dadka. Haddii aad
booqaneyso xarun caafimaad, guryaha lagu daryeelo dadka da’da ah, goob karantiil,
seyladda xoolaha ama beerta, weydii dadka halkaa ku nool tallaabooyinka fayadhowr ee u degsan. Ha booqan goobahaasi haddii aad wax shaki ah ka qabto.
Talooyinka caadiga ah ee ku aaddan ka hortagga caabuqa ayaa waxaa kamid ah:
• Iska ilaali u dhawaanshaha dadka xanuunsan (u jirso ugu yaraan 6 fiit) ee ay ka
muuqdaan astaamaha cudurrada ku dhaca neef-mareenka, sida qufaca iyo
hindhisada. Dabool afkaaga iyo sankaaga markasta oo aad qufacayso ama
hindhisooneyso.
• Ka taxadar gaadiidka aad u raacdo ama kaga timaado goobta shaqada. Iska ilaali in
aad ku safarto gaadiidka dadweynaha xilliyada saxmadda badan, isla markaana
xaqiiji in aad gacmaha ku dhaqato dareeraha aalkolada leh marka aad gaariga ka
degayso. (Xarunta CDC ayaa ku talisay in la isticmaalo dareeraha gacma dhaqa ah ee
in kabadan 60% ethanol ah ama 70% isopropanol ah.) Haddii aad ku safreyso
gaarigaaga khaaska ah, ogow in qof kasta oo uu ku dhaco cudurka gudaha gaarigaasi
uu qaadsiin karo dadka kale ee la saaran.
• Waa in weriyayaasha ay masaafo “badqab ah” u jiraan qofka ay waraysanayaan ee
ay ka muuqdaan astaamaha cudurka, dadka waayeelka ah, kuwa qaba xaaladaha
caafimaad, dadka u dhaw shakhsiyaadka cudurka looga shakiyay, shaqaalaha
caafimaad ee daweeya bukaannada COVID-19 ama shaqaalaha ku sugan goobaha
khatar badan ugu jira cudurka.
• Isticmaal makarafoonnada jiheeyaha leh adigoo ka jooga masaafo badqab ah halkii
aad ka isticmaali lahayd makarafoonnada qofka loo xiro. Qaar kamid ah
weriyayaasha ka hawlgala deegaannada khatarta badan ayaa maalin kasta biyo
kulul ku dhaqa suufka afka hore uga xiran makarafoonka.
• Si joogta ah gacmaha ugu dhaqo biyo kulul iyo saabuun. Haddii aadan haysan
labadaasi waxaad isticmaali kartaa dareeraha jeermiska dila ama xaanshida lagu
tirtirto, balse markasta sida ugu dhaqsaha badan uga daba isticmaal biyo kulul iyo
saabuun.
• Isticmaal gacmo-gashi haddii aad ka shaqeyneyso ama aad booqaneyso goobaha uu
cudurka saameeyay sida xarumaha caafimaadka. Qalabka kale ee difaaca jirka (PPE)
sida suutka jirka oo dhan ah iyo maaskaraha wejiga oo dhan ayaa loo baahan karaa.
• Weriyayaasha ayaa noo sheegay inay inta badan dharkooda ku dhaqaan biyo aad u
kulul kadib marka ay ka soo laabtaan deegaannada khatarta badan.
• Cun hilib la kariyay iyo ukunta oo keliya
• Haddii aad ka shaqeyneyso xarun caafimaad, suuq ama beer uu cudurka saameeyay,
waa in aad xirato kabo hal-mar-isticmaal ah, ama aad kabahaaga ka dul gashato
kuwo biyaha celiya, labaduba waa in la dhaqo isla marka aad ka soo baxdo
goobtaasi. Haddii aad xirato kabaha biyaha celiya, waa in aad iska tuurto ka hor inta
aadan goobta ka soo bixin, dibna aan loo xiran.
• Haddii aad ka hawlgasho meel uu ka jiri karo COVID-19, markasta nadiifi
qalabkaaga oo dhan adigoo adeegsanaya xaashiyaha jeermiska dila ee sida
Meliseptol, kadibna buufinaya. Xaqiiji in markale qalabka la nadiifiyo ka hor inta
aadan ku laaban xaruntaada, isla markaana arinta lagu wargeliyo dadka mas’uulka
ka ah qalabka.
• Markasta xaqiiji in aad gacmaha ku dhaqato biyo kulul iyo saabuun, kahor, inta aad
joogto iyo marka aad ka soo tagto goobta uu cudurka saameeyay.
• Haddii aad isku aragto astaamaha cudurka, gaar ahaan qandho iyo neefta oo kugu
dhagta, ka feker qaabkii aad ku raadsan lahayn daryeel caafimaadka. Hay’adaha
caafimaadka dowladaha qaarkood ayaa ku talin kara in aad is-karantiisho si aadan
dadka kale u gaarsiin cudurka. Haddii aad ku sugan tahay dal uu aad uga jiro
cudurka, waxaad khatar ugu jirtaa inaad goobaha caafimaadka kula kulanto dad
qaba COVID-19, sidaana ay sare ugu kacdo suurtagalnimada ah inaad qaado
cudurka.
• Markasta raac talooyinka iyo amarrada hay’adda caafimaadka ee maxalliga ah
Haddii aad ka shaqeyso Shiinaha:
• Ha booqan seyladaha qoyan ama beeraha deegaannada uu cudurka ka jiro. Iska
ilaali in aad taabato xayawaanka (nool ama baqtiyay) iyo deegaanka ay ku sugan
yihiin. Ha taaban meelaha ay fadareeyeen saxarada xayawaanka. Haddii aad ka
hawlgalayso xarun caafimaad, seylad ama beer, ha dhigin qalabkaaga dhulka.
Markasta nadiifi qalabkaaga oo dhan adigoo adeegsanaya xaashiyaha jeermiska dila
ee sida Meliseptol, kadibna aad u buufi.
• Iska ilaali in aad u dhawaato ama aad gasho xerada xayawaanka ama meel lagu hayo
xayawaan badan oo aan la saadaalin kara waxa ka suurooba. Haddii uu ku qaniino
xayawaan, sida ugu dhaqsaha badan u doono talo caafimaad.
• Ha cabin oo wax ha cunin adiga oo taabanaya xayawaan, ama u dhaw seyladda ama
beerta.
Maaskaraha Wejiga
Xarunta CDC iyo hay’adda WHO ayaa isku raacay in aanay muhiim u ahayn dadka aan lagu
arkin astaamaha cudurka inay xirtaan maaskaraha, haddii aysan kugu amrin dowladda;
haddii aad ku sugan tahay goob khatarteedu badan tahay sida cisbitaalka ama aad
daryeelayso qof looga shakiyay cudurka COVID-19. Haddii se aad xirato maaskaraha, waa
inaad raacdo talooyinkan:
• Haddii loo baahdo maaskaraha N95 (ama FFP2 / FFP3) ayaa ka haboon kan caadiga
ah ee maaskaraha “qalliinka”
• Xaqiiji in maaskaraha uu gaaray sanka korkiisa ilaa qalka hoose ee afkaaga, uuna
yareeyay duleellada u dhexeeya. Iska xiir ama hagaaji timaha wejiga ku yaalla.
• Iska ilaali taabashada maaskaraha, marka aad furaysana isticmaal xargaha loogu
talagalay. Ha taaban qeybta hore.
• Markasta gacmaha ku dhaqo saabuun iyo biyo kulul ama dareeraha gacma dhaqa ah
ee alaakolada leh (inkabadan 60% ethanol ama 70% isopropanol) kadib marka aad
iska bixiso maaskaraha.
• Markasta oo uu maaskaraha qoyo, ku bedal mid cusub oo qalalan, nadiifna ah.
• Markale ha xiran maaskaro aad iska bedashay. Ku rid bac xiran, kadibna tuur.
• Xusuusnow in isticmaalka maaskaraha uu qeyb uun ka yahay is ilaalinta shakhsiga
ah. In aadan taaban afkaaga, sankaaga iyo indhahaaga iyo in aad si joogta ah u
dhaqato gacmaha ayaa si weyn loogu taliyay.
• Maaskaraha ka samaysan suufka ama faashadda ayaa si weyn looga digay.
• Ogow in maaskaraha wejiga suuqyada laga waayi karo ama uu qiimo ahaan sare u
kici karo iyadoo loo eegayo halka aad ku sugan tahay.
Kadib-Hawsha
Iyadoo la eegayo in goobta aad ka soo laabatay ay tahay mid uu si weyn uga jiro cudurka,
ayaa waxaad lagaaga baahan karaa inaad is-karantiisho. Fadlan eeg talooyinka dawladda ee
ku aaddan arinkan.
Isha ku hay wararkii ugu dambeeyay iyo macluumaadka COVID-19, iyo sidoo kale
hannaanka karantiilka ee laga meelmariyay dalka aad ka timid iyo kana aad u socoto.
–Haddii aad isku aragto astaamaha cudurka
• Ku wargeli madaxdaada shaqada iyo hay’adaha dowladda
• Kala shaqee sidii aad gaadiid kugu haboon uga raaci lahayd halka aad ka soo degtay
ugana gaari lahayd gurigaaga. Ha iska qaadan taksi.
• Gurigaaga tag oo raac talooyinka is-karantiilka ee lagu siiyo.
— Haddii aadan lahayn astaamaha cudurka
• Si joogta ah ula soco caafimaadkaaga
• Iyadoo la eegayo heerka cudurka ee dalka aad ku sugan tahay, waxaa wanaagsan in
aad samaysato buug aad ku qorto magacyada iyo telefoonnada dhammaan dadka
aan sida dhaw ula kulantay 14-kii maalin ee xigay marka aad soo laabatay. Tani
waxay gacan ka geysan kartaa in dadkaasi la raadiyo haddii mudadaasi lagaa helo
astaamaha cudurka.
Qalabka Badqabka CPJ ee online-ka ah ayaa waxa uu weriyayaasha iyo warbaahinta siiyaa
macluumaadka asaasiga ah ee badqabka jireed, kan dijitaal iyo midka maskaxeed, gaar
ahaan marka ay soo tebinayaan wararka rabshadaha sokeeye iyo doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.