Home Afsomali Dowlada Soomaaliya oo Xaqiijisay kiiskii labaad oo COVID-19 ah lagu Arkay Muqdisho

Dowlada Soomaaliya oo Xaqiijisay kiiskii labaad oo COVID-19 ah lagu Arkay Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa maanta shaacisay in xaalad kale oo labaad oo Cudur COVID-19 ah laga heley dalka, kaas oo ka dhigan in Soomaaliya laga diiwaan geliyay kiis labaad oo cudurkaas ah.

Waxay sheegtay in qofka laga heley xanuunka COVID-19  uu dhowaan dalka yimid isla markaana kamid ahaa dadka laga shakiyay ka dibna la baaray sidaasna lagu xaqiijiyay.

Wasiirka ayaa sheegtay in qofka laga heley cudurka COVID-19 hadda xaaladiisa degan tahay isla markaana aysan ka muuqan wax calaamad ah oo tilmaamaya cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.