Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Soo Saaray Baaq Ku Socda Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Soo Saaray Baaq Ku Socda Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Munaasabadda xuska 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, isagoo u hambalyeeyay shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in xuska sanad-guurada 62-aad ee maalinta xorriyada 26-ka June ay tahay fursad lagu sixi karo wixii qaldamay mudadaas, isla markaana lagu xoojin karo dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey dhammaan dadka Soomaaliyeed inay si wadajir ah ugu istaagaan la tacaalida duruufaha nololeed ee adeg, kana dhashay abaaraha ku habsaday dalka, taasina ay tahay dabaal-dega ugu weyn ee xuska todobaadka xorriyada.

Sidoo kalea Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay dadka Soomaaliyeed ay siweyn u garoowsan yihiin dhibaatooyinka ay leedahay Colaada iyo khilaafaadka sokeeye ee dib u dhigay dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka qeyb gelin Munaasabadda xuska 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, maadaama uu haayo xanuunka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.